HUBAALMEDIA.COM
“Weydinkaa Arkaya Oo Madaxweynuhu Wuu Socdaa, Wararka Sheegaya In Xanuunsanayo Oo La Qalay-Na Waxba Kama Jiraan”
July 15, 2017 - Written by Mustafe Faro

Eng. Xuseen Aadan Cige (Deyr) oo Meesha Ka Saarayay Warar Laga Baahiyey Safarka Madaxweyne

Madaxweyne Siilaanyo Oo Shalay Dalka Ku Soo Laabtay iyo Afhayeenka Madaxtooyada Oo Si Faahfaahsan Uga Hadlay Safarkiisa

 099A0034

Hargeysa(Hubaal):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo muddo soddomeeyo maalmood ah  Imaaraadka Carabta Safar ugu maqnaa, ayaa shalay subaxdii dalka ku soo laabtay, isla markaana lagu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada, ayaa lagu faahfaahiyey soodhawaynta loo sameeyey Madaxweynaha, waxaanu Nuqul ka mid ah oo Wargeyska HUBAAL soo gaadhay, u dhignaa sidatan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo weftigii uu hoggaaminayey ee safarka ku joogay Dalka Imaaraadka Carabta ayaa saaka [shalay] dib ugu soo laabtay dalka, iyadoo si balaadhan loogu soo dhaweeyey caasimadda Hargeysa. Subaxnimadii hore ee saaka [shalay] waxa garoonka diyaaraha ee Egal Internationla Airport ka soo degay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ay wehelinayeen Marwada Koowaad ee qaranka, Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali. Waxaana madaxweynaha garoonka diyaaraha ku soo dhaweeyey masuuliyiin uu horkacayey madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirro, madaxda dhaqanka, xildhibaano, haween iyo bulshada qaybeheeda kala duwan. Sidoo kale markii madaxweynuhu ka soo baxay madaarka waxa barxadda hore ee garoonka ku soo dhaweeyey dadweyne aad u tiro badan oo ay hormuud u ahaayeen maayarka caasimadda,  Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco)  iyo masuuliyiin kale, dadkaasi oo Madaxweynaha ku soo dhaweeyey caleemo qoyan, ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka, heesaha madaxweynaha qaranka loo qaaday intii uu talada dalka hayey, iyadoo ay dadkaasi qaar badan oo ka mid ahi ay ereyo iyo weedho kala duwan ku qaabileen madaxweynaha iyo weftigiisa. Madaxweynuhu markii uu soo gaadhay qasriga madaxtooyada waxa uu salaam sharaf ka qaatay ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ka dibna waxa halkaasi ku soo dhaweeyey dadweyne ku sii sugnaa xarunta qasriga.” sidaa ayaa lagu yidhi Warka qoraalka ah ee Madaxtooyada ka soo baxay. Soo dhawaynta ka dibna waxa Saxaafadda la hadlay Afhayeenka Madaxtooyada oo ka warbixyey ujeedada safarka madaxweynaha una mahadnaqay dadweynihii sida qiimaha leh u soo dhaweeyey madaxweynaha qaranka. “Madaxweynuhu wuxuu Safar nasasho ah ugu maqnaa Magaallooyinka Abu Dubai iyo Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta, Maanta [shalay] Dalka ayuu ku soo laabtay, Wararka sheegaya in Madaxweynuhu Xanuunsanayo oo la qalay waxba kama jiraan, waydinkaa arkaya oo Madaxweynuhu wuu socdaa” ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige (Deyr).

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews