Xalku Waa In Aanney Doorashooyinku Dib U Dhicin

0
1

Somaliland waxa ragaad inaga dhigay oo nidaamkeena doorashooyinka curyaamiyaa waa ku jiqsii iyo is adkeyn iyo wax iska caabin iska soo horjeeda, sida la isku haysto ayaa waxa ay sababtaa mudo kordhin.

Muhiimada ka wayn is haysiga waa in doorasho qabsoonto oo ay dhacdo, waxkasta oo ay ku suuragalaysona qabsoomida doorashadu waa in laga shaqeeyaa oo la fududeeyaa la isku tanaasulaa, hadii xisbiba meel qabsado waa waxa marwalba inagu sababta mudo kordhin.

Xisbiyada qaranku waa daneeyayaasha doorashada ee ugu waaweyn, danta xisbiga waxa ka wayn danta qaranka iyo danta umada, waana ayaan daro in markasta jiitan dhaco oo aad ixtiraami waydaan dadka, dadku iyagaa leh axsaabta aad ku magacaaban tihiin, dadku iyagaa leh codka aad kuraasta ku fadhidaan ee ha la dhawro rabitaanka shacabka ee doorasho doonka ah.

Waxa xaqiiqo ah in dadku ka niyad jabayaan nidaamkii doorashooyinka marka kuwii hore ee ay doorteen dib ugu soo noqon waayeen waxna u qaban waayeen badankoodii dalka iyo deegaamadii laga soo doortay, waxa kale oo dadka niyada ka sii xumeeyey markii kuraastii dalka ee doorashooyinka ku imanayey laba banayn waayey ee goleba gole uun u kordhiyo.

Doorashadii dhacday 13 Nov 2017 ee madaxweynaha in ay xalaal ahayd doodi kama taagna, laakiin in farsamo xumo badan ay jirtay way muuqatay, oo caruur aan gaadhin laga diwaan galiyey dalka oo dhan, waxa kale oo jirtay in qalabkii lagu diwaan galiyey ee indhaha sheegi lahaa aanu oolin goobaha laga codaynayey oo laba qof oo isku muuqaal dhow lagu codeyn karayey.

Waxa kale oo shaqada komishanka doorashooyinka ka muuqatay, go’aan qaadasho la’aan iyo labac-labac, iyada oo doorashada ay maamulayeen qalab ahaan iyo qaab ahaanba ugu wanaagsanayd ugana qaladaad yarayd doorashooyinkii ka horeeyey ayey hadana isku keen dili gaadheen marka aad eegto maamul jileecooga.

Mar hadii aan kalsooni loo hayn oo daneeyayaasha doorashadu khusayso oo sadexda xisbi qaran ahi ay laba ka mid ah aanay ku kalsoonayn ama ay saluugeen qaab dhismeedka komishanka iyo xubnaha komishanka laftoodaba, waxa wanaagsan in xal deg deg ah laga gaadho si’aanay doorashadu dib ugu dhicin.

Komishanka laftoodu waa in ay eegaan danta qaranka oo hadii aan iyaga kalsooni loo hayn ay meesha baneeyaan si’aan wakhti inooga lumin iyagana aanay sumcad xumo ku noqon in ay meesha isku dhajinayaan.

Hadii komishanku meesha baneeyaan xisbiyada WADDANI iyo UCID ha ka tanaasulaan in qaab dhismeedka komishanka wax laga badelo oo ha iimaansadaan sidii hore ee aynu ku gali jirnay iyo komishanka cusub ee dambe hadii ay dhacdo, si ay doorashadu inoogu qabsoonto wakhtigaa loo cayimay.

 

Aragtideyda

Muhamed Dhimbiil

SHARE
Article horeMadaxweyne Sarreyntii Sharciga Weli Bulshadu Way Kaa Sugaysaa
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here