XARUNTA XUQUUQAL INSAANKA: Maxamed Rashiid Wuxuu Ahaa U Halgamaa Xoriyatul Qawlka

0
19

Xarunta Xuquuqal Insaanka: Maxamed Rashiid wuxuu ahaa u halgamaa xoriyatul qawlka

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoyskii iyo asxaabtii Maxamed Rashiid Muxumed Faarax oo ku geeryooday Kenya. Aad baanu uga naxnay markaanu maqalay geerida suxufigan wayn oo ahaa nin u halgama xuquuqda hadalka. Maxamed oo ahaa Xogahiyiii ururka suxufiyiinta ee SOLJA wuxuu ku suntanaa inuu is bar bar taagay xoriyadda hadalka mar dadka badankiisu ay ku keliyeeyeen.

Wuxuu ahaa naf wanaagsan, geesi ah oo si adag u wajaha wuxuu doonayo. Wuxuu is-barbar taagay suxufiyiin waqti adag ku jirta, mar qudhana muu joojin halgankiisa ilaa intii naftu ka baxaysay.

 Waxannu Eebe uga baryaynaa inuu janadiisa geeyo, qoyskiisana samir iyo iimaan ka siiyo.

 maxamed_rashiid

Guleid Ahmed Jama

Chairperson

Human Rights Centre

Hargeisa Somaliland

www.hrcsomaliland.com

dafac02@hotmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here