HUBAALMEDIA.COM
XASUUQII RWANDA (1994)- Qalinkii: Guleid Ali Jabane
September 22, 2016 - Written by Mustafe Faro

Qormo xiiso badan oo koobsanaysa taariikhdii qoomiyadaha Hutiga iyo Tutsiga iyo dhacdadii xanuunka badnayd ee xasuuqii Rwanda 1994.

Qalinkii: Guleid Ali Jabane .

guleed-cali-jabane                                                             

Xasuuqii Rwanda waxa uu ahaa mid ka mida kuwii ugu balaadhnaa ee dunida soo mara, waxa uu ka dhan ahaa qoomiyada tutsi ee dalkaasi ku dhaqan, iyada oo ay ka danbeeyeen qawmiyada dalkaasi ugu tiradan badan ee Tutsi-ga, muddo lagu qiyaasay 100 maalmood gudahood oo ka bilaabmaysay 7 april, 1994 ilaa badhtamihii bishii july ee isla sanadkaasi ayaa dad lagu qiyaasay 800,000 lagu xasuuqay dalkaasi, oo noqonaysa 20% tirada dadka dalkaasi Rwanda, isla markaana ah 70% qoomiyada tutsiga ee la badhtilmaameedsaday, xasuuqu waxa uu ahaa mid la qorsheeyay oo ay ka danbeeyeen dad mansab sare leh oo ka mid ahaa siyaasiyiinta dalkaasi oo lagu magacaabi jiray ‘’Akazu’’,  kuwaasoo hayay jagooyinkii ugu sarsareeya dawlada, saraakiil ciidamo ah, ciidanka qaranka, jabhado ku xidhnaa dawlada oo ay ka mid ahaayeen ‘’interhanwe iyo impuzamugambi’’, iyo waliba dadka rayidka ah ee qoomiyada hutu-ga.

Hutu iyo Tutsi gumaysiga ka hor

Dadkii ugu horeeyay ee dagay meesha hadda lagu magacaabo Rwanda waxay ahaayeen Twa, waa koox ka mida dadkii asalka u lahaa (Pygmy) deegaankaas ahaana ugaadhsato iyo qadhaabsato, kuwaasoo dagay waqtigii u dhaxaysay 3000 bc ilaa 8000 bc, maatana waxay baaqi ku yihiin Rwanda.

Intii u dhaxaysay 700 BC ilaa 1500 AD, kooxo ka mida Bantu ayaa u haajiray xagaa iyo Rwanda, bilaabayna inay jaraan dhulkii kaymaha lahaa si ay uga dhigtaan dhul beereed.

Heshiiskii Arusha

Heshiis Arusha lagu saxeexay oo u dhexeeyay dawlada iyo mucaaradka RPF, waxa lagu sexeexay August 4, 1993 dalka Tanzania, si loo soo afjaro dagaal sokeeye oo qaatay muddo sanado ah.

Heshiiska oo ay soo agaasimeen wadamada maraykanka, faransiiska iyo ururkii midnimada afiraka, waxaanay layskugu keenay dhinacyadii uu heshiiskani quseeyay.

Wada xaajoodyo soo bilaabmay july 12, 1992 oo qaatay muddo sanad ah waxa aakhirkii laysku afgartay, in la dhiso dawlad ku meel gaadh ah iyo gole qaran muddo 37 cisho gudahood ah oo ka bilaabmaysa maalinta heshiiska la saxeexo, muddada dawlada ku meel gaadhka ahina ay ahaan doonto 22 bilood si loo qabto doorasho guud oo dalka oo dhan ka dhacda.

Waxa kale oo laysla qaatay in la dhiso ciidan qaran oo ka kooban 60% ciidamada dawlada iyo 40% ciidamada mucaaradka ee RPF.

Guud ahaan heshiisku waxa uu dhignaa sidan:-

  • Sidii looga wada shaqayn lahaa nabad waarta;
  • Dhisida dawlad ku meel gaadh ah;
  • Isku dhafka ciidamada labada dhinac;
  • Dib u soo celinta dadka qoxootiga ah ee ku dhaqan wadama jaarka.

xaqiiqdii iyada oo ay qodobo badan oo soo jiitamayay sababeen xasuuqii Ruwaandha, hadana waxa jiray qodoba aad u muhiima oo loo aaneeyo inay ka danbeeyeen xasuuqii dadka badani ku leedeen:-

  • Markii madax waynihii Rwanda mr habyariman oo ka soo jeeda qoomiyada hutu ga la soo riday diyaarad uu saarnaa isaga iyo saraakiil kale.
  • Xaalad ka dhex abuurmatay qoomiyada ku tirada badan dalkaasi ee hutu iyo tutsiga, kuwaasoo isu arkayay dad mansab ku leh bulshada dhexdeeda.
  • Guumaystihii Belgium ka oo ku abaal mariyay tutusiga waxabarashadii reer gallbeedka, waxba kama jiraanna ku tilmaamay siyaasadii iyo dhaqaalihii hutu ga.
  • Madaxbanaanidii Rwanda ee 1963 ka dib markii tutsi ga la takooray loona musaafuriyay Uganda.

 

Shirqoolkii madaxwayne habyarimana

 

Saacadu markay ahayd 8:30 fiidnimo arabaca ah april 6, 1994 madaxwaynihii dalka mr juvenal habyarimana oo ka soo laabtay shir uu kaga qayb galay dalka Tanzania, oo uu weheliya madaxwaynihii dalka brundi Cyprien Ntaryamira iyo waliba saraakiil kale ayaa diyaaradii ay saarnaayeen  gantaal la tuuray  lagu soo riday , ka hor intii aanay soo fadhiisan garoonka diyaadaha ee magaalada Kigali ee xarunta dalka Rwanda.

Dilkii madaxwayne habyarimana waxa loo aaneeyaa jabhadii RPF inay gantaal ku tuureen diyaaradii ay madaxwaynayaashu saarnaayeen, iyagoo rumaysnaa in habyarimana aanu fulin heshiisyo hore loo galay.

Ilaa 1973 madaxwayne habyarimana oo hutu ahaa markii uu dalka qabsaday ayaa waxa laga ilaalinayay tutsiga inay ka qayb qaataan xukunkii dalkaasi, laakiin taasi waxay isbadashay markii August 3, 1993 madaxwayne habyarimana uu saxeexay heshiiskii arusha, kaasoo wiiqayay awoodaha hutu gu ku leeyahay dawlada una ogolaanayay tutsiga inay ka qayb qaataan xukunka, taasoo si way uga cadhaysiisay kooxo xagjir hutu ah,

Inkastoo aan si saxa loo ogayn cidii masuulka ka ahayd shirqoolkaasi, hadana waxa inta badan loo aaneeyaa kooxo xagjir hutu ah dhimashada madawaynaha.

Muddo 24 saac gudahood ah ka dib burburkii diyaarada, waxa xukunkii dalka la wareegay kooxo xagjir hutu ah, kuna eedeeyay tutsiga inay ka danbeeyeen shirqoolkii madaxwaynaha isla markaana bilaabay xasuuqa.

Bilowgii xasuuqa iyo dhacdooyin xanuun badan

Kumanaan qof oo tutsi ah ayaa isku dayayay inay ka baxsadaan dilalka iyagoo ku dhuumanayay kiniisadaha, cisbitaalada, iskuulada iyo xafiisyada dawlada, goobahaasi oo markii danbe noqday qaar lagu ururiyay lafahoodii.

Mid ka mida dilalkii ugu foosha xumaa wuxuu ka dhacay april 15-16, 1994 magaalada Nyerubuye(roman catholic church) oo 60 mile bari ka xigta magaalo madaxda dalkaasi ee Kigali, markii uu maayarkii magaladasi oo ahaa hutu uu dhiiri galiyay in dadka tutsiga ah laga raadiyo meelaha barakaysan, goobahaasi oo la sheegay inay ku badbaadi karayeen.

Dilku wuxuu bilaabmay iyadoo la adeegsanayay bistoolado, qoryo iyo bambooyinka gacanta laga tuuro laakiin waxa uu si dhakhso ah isugu badalay faashash, midiyo iyo waxyaale kale, iyada oo dadka dilalka fulinayayna ay u kala lahaayeen waqtiyada shaqo ee dilka.

Maydka looma ogolaanayn in la aaso iyadoo lagaga tagayay meesha lagu dilo halkaasoo uu xayawanku ku cunayay, sidoo kalena maydadka qaar waxa lagu tuurayay wabiyada iyo harooyinka si fariin loogu diro dadka tutsiga “ ku noqda Ethiopia” taasoo ay ku andacoonayeen inay asalkoodii hore ka yimaadeen Ethiopia.

Valerie nyirarododo, waxay ahayd umuliso ka hawl galaysay cisbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee (saint-marthe maternity hospital), waxa ay tidhi “Markii ay I soo gaadheen cidamada qaramada midoobay ee gurmadku waxay ii sheegeen inaan si dhakhso u soo baxo, macasalaamaynta cid kalena aanan waqti ku lumin, sababtoo ah aanay haysan waqti”, waxa aan u sheegay “inay qaadaan saaxiibayda igu weheliya shaqada”, waxa ay iigu jawaabeen “maya, iyagu waa ruwaandhiis, halkan ayay iska leeyiin, waxa fiican inaad uga tagto walaaladood”, isla markiiba gaadhigii gurmadu waa uu dhaqaaqay.

Dabcan, muddo yar ka dib, hablihii tutsiga ahaa ee aan saaxiibka ahayn waa la dilay, si la mida sidoo loo dilayay dadka kale.

Doorkii warbaahinta ee dhiiri galinta xasuuqa

Warbaahinta oo iyaduna door laxaad leh ka qaadatay xasuuqa ayaa muddo sanaddo ah wargayska kaguru oo uu gacanta ugu jiray kooxo hutu ah ayaa faafinayay nacayb, horraantii bishii December 1993 wargaysku waxa uu daabacay maqaal cinwaan looga dhigay “ tobanka amar ee lagu soo rogay hutuga” tobanka waxa ka mid ahaa oo lagu dhawaaaqay in qofkii hutu ah ee guursada qof tutsi ah inuu yahay danbiile qaran, sidoo kale cidii ganacsi la gasha tutsiga inuu yahay danbiile qaran, waxa kale oo qodobada wargaysku daabacay ka mid ahaa in jagooyinka ugu muhiimsan iyo gabi ahaanba ciidanka milatarigu uu ahaado hutu, si loo fogeeyo tutsiga waxa qawaaniintaa ka mid ahaa in qofka hutuga ahi is barbartaago mid kale oo hutu ah isla markaana ay joojiyaan ka xumaanshaha dhibta tutsiga. RTLM (radio television des miles collines) ayaa isagunau  8 july 1993 bilaabay faafin nacayb iyadoo waqtiyaada la soo bandhigay heeso iyo waxyaabo anshaxa saxaafada baal marsan.

Markii uu xasuuqu bilaabmay RTLM waxay ka ciyaaraysay door laxaad leh, iyadoo ugu yeedhayay tutsiga “ cut down the tall trees” hala jaro geedaha dhaadheer iyagoo sidoo kale isticmaalayay halku dhegyo ahaa : crash the cockroaches” taasoo micnaheedu ahaa in la dardar galiyo dilka tutsiga.

RTLM waxay marar badan ku dhawaaqi jireen magacyada shakhsiyaad gaara in la dilo iyada oo ay la socoto warbixinta goobaha laga helayo, cinwanada guryaha iyo goobaha shaqo iyado marka dilkaa la fuliyana si toosa looga sii dayn jiray raadiyaha.

RTLM waxay ku qasbi jireen hutu ga inay ka qayb qaataan dilalkaasi, cida se ka qayb qaadan wayda waxa caqabad ku ahaa jabhadii interhamwe oo usoo bandhigi jirtay laba daran mid dooro oo ahayd “ either kill or be killed” dil ama halagu dilo.

Bixitaankii ajaanibka iyo gurmadkii ciidamada qaramada midoobay

Maalintii xasuuqu bilaabay muddo yar oo daqiiqado gudahood laga soo bilaabo xafiisyada, safaaradaha, goobaha diimaha iyo jaamacaduhu dhamaantood waxay ahaayeen qaar laga guuray, dadkuna ay ku qulqulayaan wadamada jaarka, qaar ka mid ah waxa qaadayay diyaaradaha yar yar ee gurmadka (airlift) oo loogu talo galay muwaadiniinta ajaanibkaa, ciidamada iyo shaqaalaha oo si dhakhso ah usoo fadhiinayay, arintaasina waxa ay walwal ku beerta dadkii rayidka ahaa ee reer Rwanda kuwii wax dilayay iyo kuwii la dilayay labadaba.

Hawl galada ciidamada koofiyada buluuga ah ee qaramada midoobay oo wata baabuurta gurmadka waxay ay bilaabeen inay soo gaadhaan goobo badan iyaga oo goob walba oo ay istaagaan ka qaadayay dad cadaan ah oo isugu jira baadariyo, shaqaale caafimaad iyo kuwa qaramada midoobay, waxaanay u muuqatay inay ku guulaysanayeen hawlgalkooda oo xawli ku socday.

Gabogabo

Gabogabadii dhacdadan xanuunka badani waxa ay sababtay dhimasha  ku dhawaad hal million oo qof, kufsiga oo gaadhay heerkii ugu saraysay, xanuuno ka dhashay maydadkii wadooyinka daadsanaa, qoxootinimo baahsan oo kala fidhisay ehelo badan, dhaawac laxaad leh oo quluubta dad badan oo ay maskaxdooda saamayn ku yeelatay dhacdooyin xanuun badan oo ay u soo joogeen, agoomaynta caruur tiro badan, gaajo iyo macaluul baahsan oo la soo daristay dadkii kaamamka ku jiray iyo cabsi kala soo daristay wadamadii ay qoxootiga ku ahaayeen.

saraakiishii dawlada, ciidamadii iyo jabhadahii xasuuqa ka qayb qaatay waxay u baxsadeen dhankaa iyo jamhuuriyada dimuquraadiga ee kongo iyo qaramada midoobay oo bilawday aasaaska maxkamado ku meel gaadh ah oo lagu maxkamadaynayo dadkii xasuuqa ka qaybqaatay.

Guleid Ali Jabane

B.A in Political Science & International Relations.

Email: gulledjabane@gmail.com

Tell: 63 446 4939/ 65 994 2015

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews