Xeerar Muhiim ah Oo Ay Golaha Wakiilladu Sanadkan Ansixiyeen Oo Madaxweynuhu Qalinka Ku Duugay

0
1

Akhri Wareegtada Madaxweynuhu Ku Dhaqangeliyey Xeerarkan Oo Afar Xeer Ka Kooban

Hargeysa(Hubaal)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-191/082018, ku dhaqan-geliyey afar Xeer.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

  1. Dhaqan-galka Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, Xeer Lr. 78/2018.
  2. Dhaqan-galka Xeerka Maareynta Deegaanka, Xeer Lr. 79/2018.
  3. Dhaqan-galka Xeerka Shirkadaha Somaliland, Xeer Lr. 80/2018.
  4. Dhaqan-galka Xeerka Waxbarashada Qaranka, Xeer Lr. 77/2018.

Markaan Arkay:Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-37/804/2018, summaddiisuna tahay Ref: GW/9/26/166/2018, kuna taariikhaysan 05/08/2018, ujeeddadiisuna tahay soo gudbin go’aanka ansixinta Xeerarka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, Xeer Lr. 78/2018;

Xeerka Maareynta Deegaanka, Xeer Lr. 79/2018;

Xeerka Shirkadaha Somaliland, Xeer Lr. 80/2018; iyo

Xeerka Waxbarashada Qaranka, Xeer Lr. 77/2018;

Markaan Arkay:Qodobada 75aad iyo 76aad, ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Waxaan soo-saaray;

  1. Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, Xeer Lr. 78/2018.
  2. Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Maareynta Deegaanka, Xeer Lr. 79/2018.
  3. Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Shirkadaha Somaliland, Xeer Lr. 80/2018.
  4. Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Waxbarashada Qaranka, Xeer Lr. 77/2018.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here