“Xeerka Boolisku Berri Ama Sahan-dembe Ayuu Faafinta Rasmiga Ah Kusoo Baxayaa, 9-kii Qoddob Ee Madaxweynuhu Soo Celiyeyna….”

0
54

Ku-xigeenka Garyaqaanka Guud Ee Dawladda Qareen Xuseen Maxamed Jaamac (Belel)

 

 

Hargeysa (Hubaal) – Ku Xigeenka Qaryaqaanka Guud Ee Somaliland Md.  Xuseen Maxamed Jaamac (Belal) ayaa ka hadlay cabashooyin kasoo yeedhay qaar kamid ah garyaqaannada madaxa banaan ee Somaliland kuwaas oo xafiiska garyaqaanka guud ku dhaliilay in uu caqabad ku yahay xeerarka iyo shuruucda ay baarlamaanka u soo gudbiyaan si goluhu uu waajibkooda uga guto. Garyaqaan Xuseen Belel oo arrintan ka hadlay ayaa war aan sal iyo raad lahayn ku tilmaamay eedahaas uga yimi qareennada Somaliland   “Horta Eedahaa xoghayaha Guud Ee Qareennadu nagu eedeeyay ma qabno   Isagaana Cadayn Doona, Xeerarka marka baarlamaanku ansaxiyo ee Madaxweynuhuna saxeexo in ay faafinta ku soo baxaan Waa Sharci waa Dastuuri anna ma hor istaagi karo mid iga sareeya iyo mid iga hooseeyaana ma hor istaagi karo”. Sidaas ayuu yidhi ku xigeenka garyaqaanka guud, waxaanu intaa ku daray  oo uu is dul taagay mid kamid ah xeerarka  ay faafintiisa samayn doonaan dhawaan “ Xeerka Booliska ayey dul tagnaayeen mala oo la danaynayo.  Xeerka boliska faafinta wuu ku soo baxayaa Berri ama sahan dembe,   Sagaalkii qoddob ee Madaxweynuhu Soo Celiyayna anigu waxaan ahaa ninkii 2013-kii ka shaqeeyey in la sameeyo, markaa waxaan idiin sheegayaa xeerka boolisku insha allahay wuxuu ku soo baxayaa faafinta rasmiga ah, waxaanan leeyahay malaha innamadu inay shir jaraa’id qabtaan uun bay u xiisoodeen  ee eedaha ay sheegayaan waxba kama jiraan”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here