Xidhiidhka Kubedda Cagta Adduunka Ee  FIFA Oo Shaaciyay Shaxdii Ugu Fiicnayd Tartankii Koobka Adduunka Ee Ruushka lagu qabtay

0
1

 

 

Xidhiidhka kubada cagta adduunka FIFA ayaa soo saartay shaxdii ugu fiicnayd tartanka koobka adduunka Russia 2018 kadib markii uu tartanku si Rasmi ah u soo xidhmay maalintii Axadii.

 

Tartanka ayuu ku guulaystay xulka France kuwaas oo haaatan saaran booska ugu sareeya ee adduunka kadib markii ay garaaceen xulka Croatia.

 

 

 

Ku guulaysiga koobka adduunka Russia 2018 ayaa xulka France ka caawisay in ay 4 xiddig ku lahaadaan shaxda ugu fiican ee tartanka koobka adduunka Kuwaas oo kala ah Lloris,Varane,Greizmann iyo Mbappe.

 

Xulka kaalinta 2-aad ka galay koobka adduunka ee Croatia ayaa dhankooda 2 xiddig ku leh kuwaas oo kala ah Lovren iyo Modric kaas oo ku guulaystay xiddiga ugu fiican koobka adduunka.

 

Xulka England oo kaalinta 4-aad ka galay tartanka koobka adduunka ayaa ku leh laba xiddig kuwaas oo kala ah Young iyo Trippier kuwaas oo wacdaro ka dhigay daafaca.

 

Dhanka kale xulka Brazil ayaa laba xiddig ku leh iyaga oo ku leh Paulinho iyo Neymar taas oo la yaab noqotay marka loo eego in Coutinho ahaa xiddigii ugu qaab ciyaareedka fiicnaa.

SHARE
Article horeKhaladaadka Baabuurta Wadanka iyo Halista Amaan ee Bacda Beersoosha W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here