Xiisadda gacanka! W/Q: jibril Jirde

0
88

Khartuum:  Xiisadda u dhaxaysa, Suudaan iyo Masar ayaa sii kordhaysa toddobaadkan, iyada oo ciidan badan la soo tubay xuduudaha, sidoo kale cabsida ah in dhibaatada gacanku ay ku sii fiddo bariga afrika.

Warbaahinta Turkiga ayaa baahisay 4tii jeenawari in ciidamada Masar ay soo gaadheen Eratariya, oo Suudaan xuduud kala leh dhinaca bari, iyaga oo taageero ka helaya Imaaraadka  iyo kooxaha mucaaradka gobolka. Isla maalintii ba Suudaan waxay u yeedhay danjiraheeda u fadhiyay Qaahira, dabadeed laba cisho ka dib xaalad degdeg ah ayay ku soo rogtay gobolka Kassala  oo jaar la ah Eratariya, sidoo kale na xuduudka ayay xidhatay iyada oo aanay ka bixin wax faahfaahin ah. Goobyoogayaal ku sugan Kassala ayaa sheegay in ciidamo badan ay ka gudbeen Kassala, iyaga oo u jeeda dhanka xuduudka.

Axmed Abu Zeid, afhayeen u hadlay wasiirka arrimaha dibedda ee Masar wuxuu yidhi, “si guud ayaannu u qiimaynanaa xaaladda, annaga oo eegayna in aannu samayno jawaabta ugu habboon”. Xiisadda sii kordhaysaa waxay imanaysaa, ka dib markii uu yimid madaxweynaha Turkiga Erdogan magaalada Khartuum, booqashadii ugu horreysay ee uu hoggaamiyaha Turkigu ku yimid Suudaan tan iyo markii ay ka baxday Suudaan dawladdii Cusmaaniyiintu sannadkii 1885kii. Suudaan iyo Turkigu waxay wada saxeexdeen 13 heshiis markii lagu jiray booqashaddii Diisambar, oo ay ku jiraan heshiisyo militari.

Qaahira wax faallo ah kamay bixin booqashada Erdogan, laakiin warbaahinta dawladda taageersan ayaa ku eedaysay inay tahay shirqool ka dhan ah ammaanka dalka Masar. Khartuum way iska fogaysay eedaynta Masar, waxa aanay sheegtay in aanay Masar xaq u lahayn, inay soo faragaliso arrimaheeda. Masar waxay taageeraysaa Sucuudiga iyo Imaaraadka oo ah dalalka horseedka ka ah cunqabataynta Qadar. Suudaan na waxay taageeraysaa Qadar iyo Turkiga, ma na aha markii ugu horreysay ee labadda dal ay isku dhacaan.

 

  1. Xuduudaha lagu muransan yahay.

Marka laga tago Eratariya, laba khilaaf dhuleed oo kale ayaa murjiyay xidhiidhka Masar iyo Suudaan nus qarnigii tagey.

Gobalka Daarfuur, ee galbeedka Suudaan dagaal ayaa ka socday 20kii sannadood u dambeeyay, 300, 000 ayaa ku dhintay ku dhawaad 2.7 milyan na way ku barakaceen.

Bishii May sannadki hore madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir waxa uu yidhi ” ciidamada Suudaan waxa ay qabteen, dhawr ka mid ah gawaadhida gaashaaman ee Masar oo ka dagaalamaya Daarfuur”  sidoo kale waxa uu hore ugu eedeeyay ciidamada sirdoonka Masar inay taageeraan mucaarad dagaal kula jira ciidankiisa, aagga Niilka buluugga ah iyo Koonfurta Kordofan.

Si kasta ha ahaatee madaxweynaha Masar Cabdel-fatax Sisi wuu diiday eedaymahaas,  waxa aannu xusay, in aanay Qaahira wax lug ah ku lahayn Daarfuur. Hoggaamiyaha mucaaradka ayaa sidoo kale beeniyay hadalka Bashiir.

Dabadeed waxa jira Saddex xagalka Haliab ee waqooyiga Suudaan, halkaas oo Qaahira ku dooday inay dhulkeeda tahay. Gobolka qaniga ku ah saliidda iyo macdanta waxa ku muransanaa Masar iyo Suudaan, ilaa intii ay Suudaan qaadatay Madaxbannaanideeda 1956kii. Masar waxay kordhisay joogitaanka ciidankeeda Milatari 1996kii, in kasta oo ay Suudaan cabashooyin u gudbisay golaha ammaanka ee qaramada midoobay, sidoo kale na ay ku baaqday in khilaafka lagu xaliyo wada hadal.

Bishii Jeenawari 2016, Suudaan ciidankeeda waxay keentay xuduudka Masar, waana markii ugu horreysay ee ay dhacday muddo 60 sannadood ah, waxa aanay sheegeen in ciidanka Masar ay daandaansadeen, ciidanka Suudaan ee ku sugan gobolka lagu muransan yahay.

  1. Heshiisyada Turkiga.

Tobankii sanno ee u dambeeyay Khartuum dhaqaale ahaan iyo diblomaasi ahaan ba way liidatay. Dalku waxa weli saaran cunaqabatayn caalami ah, oo ay sababta khilaafka Daarfuur, sidoo kale Bashiir waxa raadinaysa maxkamadda dembiyada caalamiga ah ( ICC). Koonfurta Suudaan ayaa qaadatay afar meelood, saddex dakhligii saliidda ee dalka, ka dib markii ay noqotay dal madaxbannaan.

Suudaan meel walba oo suuragal ah waxay ka raadinaysay gaashaanbuur caalami ah. Booqashadiisii Erdogan waxa uu tibaaxay, in labadda dal ay yeelan doonaan ganacsi laba geesood ah oo ku kacaya 500 milyan ilaa 1 bilyan sannadkii, uu na gaadhi doono ilaa 10 bilyan.

Turkigu waxa uu doonayaa in uu sii wado saamayntiisa gobolka, ma aha keliya ugu yaraan marinada ganacsi ee ka gudba Suez Canal ilaa waqooyiga iyo gacanka ilaa bariga.

Ankara si firfircoon ayay uga hawl galaysay Milatari ahaan dalka Soomaaliya ilaa sannadkii 2009kii, markii ay ku biirtay ciidamadda ka hor tagga budhcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya.

Sebtember 2017kii, Turkigu saldhigiisii ugu weyn ee dalka dibaddiisa ayuu ka furtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Waxa la sheegay in uu ku kacay 50 milyan lagu na tababari doono 10, 000 oo ciidan Soomaali ah.

Axmed kavas, danjirihii hore ee Turkiga u fadhiyay  waddanka Jaad, ahna la taliyaha raysal wasaaraha ee arrimaha Afrika ayaa u sheegay Middle East Eye, joogitaanka Turkiga ee Afrika waxa uu leeyahay dareen iyo ahmiyad ka badan, dal kale oo dhan. ” Haddii aad ka fikirto dal Afrika jooga, kaasi waa Turkiga. “ Cilladu waa qarnigii 20aad, markii aannu ka maqnayn qaaradda, reer gabeedka yurub na way ku badnaayeen.”

Laba ka mid ah heshiisyada la saxeexay waxay dhaliyeen dareen xoogan oo ka imanaya Qaahira.

Ka koowaad, jasiiradda Suakin ayaa laga kireeyay Turkiga. In ka badan qarniyo jasiiraddu waxay ahayd, marin ganacsi oo u dhaxaysa Afrika, Yurub iyo Gacanka, sidoo kale albaabka laga galo xajka. Taariikh ahaan waxay hoy u ahayd goobo qadiimiya, marka dib loogu noqdo boqortooyadii Cusmaaniyiinta wakhtigii ay gumaysan jireen Suudaan qarnigii 18aad.

Turkigu waxa uu sheegay in qaybo ka mid ah jasiiradda ay dib u habayn doonaan, wakaaladda isku xidhka iyo iskaashiga iyo wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska.

Laakiin Asma Al-huseini, Tifaftiraha jariiradda maalinlaha ah ee Al-Ahram Egyptian, ayaa sheegtay horraantii Jeenawari in Turkiga iyo Suudaan si qarsoodi ah ay ugu heshiiyeen in jasiiradda laga sameeyo saldhig milatari, si loogu cabsi galiyo maraakiibta maraysa Badda Cas.

Heshiiska labaad, waxa uu ogolaanayaa in uu Turkigu horumariyo joogitaankiisa biyaha Suudaan, si ay u ilaaliyaan maraakiiibta Suudaan ula dagaalamaan na argagaxisada.

Khabiir Suudaaniya oo dhanka ammaanka ah ayaa ku tilmaamay in joogitaanka Turkiga ee Badda Cas, hirgalka hammigii Turkida, kaas oo walwal ku abuuraya carabta waliba kuwa la safan Sucuudiga, gaar ahaan Masar.

Waxa jira cabashooyin badan oo ka soo baxaya heshiiska Suudaan. Cabdullah Musa waa hoggaamiyaha, Beja Congress party, kaas oo metala dhaqdhaqaaqii mucaaradka ee hore ee bariga Suudaan, kuwaas oo heshiis nabadeed la saxeexday Suudaan 2006dii. Waxa uu yidhi,   “waa ku  xabgudub xorriyadda Suudaan, waxa aanay geyaysiin doontaa xaalad adag oo badhtanka ugu jirta khilaafka gobolka”  taasi waxay keenaysaa in ay handedaad ka timaad Masar iyo dalalka gacanka haddii biyaha la xidho, iyada oo carqaladaynaysa marinada saliiddu u sii marto suuqa caalamiga ah.

Si kasta ha ahaatee, danjiraha Turkiga u jooga, Suudaan, Irfan waa uu diiday in Turkigu ku lug yeelanayo arrimaha caalamiga ah ee dhulka Suudaan. “ Suudaan iyo Turkigu ma jiro shay ay qarinayaan arrimaha Badda Cas iyo jasiiradda Suakin.”  Sidaas ayuu ii sheegay , “ Wixii aannu u shaacinay sida daahfuran, waa waxa aannu doonayno in aannu ka samayno Badda Cas.”

 

 

 

  1. Gaashaanbuurta gacanka.

Dhibaatada gacanka oo soo bilaabatay xagaagii 2016kii, waxay u qaybisay barigii dhexe awood ka soo horjeedda Qadar oo ay ka mid yihiin Sucuudiga, Baxrayn, Imaaraadka Iyo Masar, iyo taageerayaasha Doxa oo ay ka mid yihiin Iiraan iyo Turkiga.

Emad Xuseen, tifaftiraha jariiradda Sudan Alshoroq, ayaa yidhi “Khartuum waa waaqici, maadaama ay u boodayso dhinac ilaa dhinac iyada oo aan lahayn u jeedo istaraatijiyadeed oo aan ka ahayn ka bixidda faquuqa haysta rajiimka”.

Alhaj Warag, falanqeye siyaasadeed iyo tifaftiraha jariiradda Turkey Hurriyat Online, ayaa sheegay, hammiga Turkiga ayaa ku riixay Khartuum iskaashiga ganacsi ee ay hadda la yeelatay Ankara, balse waxay dhigi doontaa meel khatar ah.

 

  1. Dhaamka ugu weyn Afrika.

Masar waxay aad uga walwalsan tahay saamaynta dhaamku uu ku yeelan doono biyaheeda, kaas oo laga dhisayo xuduudka u dhaxeeya Itoobiya iyo Suudaan, noqonaya na kan qaaradda guud ahaan ugu weyn.

Itoobiya waxay rajeynaysaa in mashruuca 5 ta bilyan ahi uu kor u qaadi doono nolosha qayb ka mid ah 80 ka milyan ee dadkeeda ah, oo la daala dhacaya saboolnimo, waxa aanay naawilaysa in ay tamarta ka soo baxda  iibiso iyo in uu horumariyo dhaqaalaheeda.

Laakiin Masar ku dhawaad 90 boqolkii ba dadkeedu waxay ku tiirsan yihiin Niilka, waxa aana jirta cabsi biyo yaraaneed oo iman marta. Qaahira sidoo kale waxa ay ka walwalaysa Suudaan oo  Niilku soo maro inay dhinac la tahay Itoobiya.

Bishii diisambar, warbaahinta Itoobiya ayaa ayaa sheegtay in Masar ay doonayso, in Suudaan laga saaro wada hadallada, sidoo kale na uu baanka adduunku ka noqdo dhexdhexaadiye.

Wasiirka arrimaha dibedda Masar ayaa diiday eedaymahaas, wuxuu na ku adkaystay in Suudaan ay qayb ka tahay wada hadallada oo aan laga saari karin.

Hasayeeshe  diblomaasi Suudaaniya oo codsaday in magaciisa la qariyo ayaa  sheegay,  “aragtida Masar ee arrinta dhaamku waa mid murugo leh. Dhaqdhaqaaqa Masar waa mid aan la aqbali karin, maadaama oo ay keliya horseedayaan dhibaatooyin hor leh halkii ay ka xalin lahaayeen khilaafaadka.”

  1. Ikhwaanul Muslimiinka

Madaxweynaha Masar Abdel-Fatah el- Sisi waxa uu yimid xukunka, ka dib markii uu ka tuuray  xukunka Maxamed Mursi. Mursi waa xubin ka mid ah ururka Ihwaanul Muslimiinka, kuwaas oo laga mamnuucay hadda Masar, ururkaas oo ay xubnihiisu la kulmeen xukun caddaalad daro ah iyo jidh-dil sida ay sheegen kooxaha xuquuqal insaanku.

Bashiirka Suudaan waxa uu ku yimid afgembi militari badhtamihii 1989kii, kaas oo ay taageerayeen Ikhwaanul Muslimiinka iyo hoggaamiyahooda Xasan Al-turaabi, kaas oo ugu dambayn madaxweynuhu  uu eryay, ka dib markii uu ururku kala jabay sannadkii 1999kii.

Warbaahinta dawladda Masar taageerta ayaa ku eedaysay Suudaan, inay qarinayaan xubnaha ururka Ikhwaanul Muslimiin, waa eedaymo ay ka biyo diiday dawladda Suudaan.

Turkigu waxa uu taageerayaa Ikhwaanul Muslimiinka, Feebarwari 2017kii, Erdogan waxa uu sheegay in aannu u aqoonsanyn koox hubaysan, dhab ahaantii se uu yahay urur fikri ah “ haddii ay ku lug leeyihiin argagixiso na ay goor hore ka eryi lahaayeen Turkiga.”

Hassan Ali’ oo ah xeeldheere dhanka siyaasadda ah, ayaa aamminsan in xiisadda Ikhwaanul Muslimiinku  ay calaamad u tahay kala duwanaanshaha fikir ee u dhaxeeya kooxda Islaamiyiinta ah ee Khartuum maamusha iyo hoggaanka Masar, taas oo lala xidhiidhinayo weerarradii argagixiso ee ka dhacay Sinai, ka dib markii xilka laga tuuray Mursi.

Kala duwanaanshahaas fikriga ah ayaa ah sababta ugu weyn ee dhalinaysa xiisadda labadda dhinac. Arrimaha kale sida, Halaib, dhaamka Itoobiya iyo arrimo kale ba, waa khiddado ay labadda dhinac  u isticmaalayaan inay culays ku saaraan mid ba kooda kale.

 

 

Hadda ba dagaal ma dhici karaa?

In kasta oo la isku maan dhaafsan yahay arrinta dhaamka, Ikhwaanul Muslimiinka, jasiiradaha iyo awoodaha isbahaystay, khubaradu waxay aamminsan yihiin in labadda dal midkood na aannu dagaal doonayn.

Andul Moniem Abu Idriss ayaa sheegay in xiisadda hadda jirtaa aanay ka badnayn keliya ismaan-dhaaf diblomaasiyadeed iyo mid warbaahineed. Labadda dalba waxay la daala dhacayaan dhibaatooyin dhaqaale, taas oo xakamaynaysa awooda ay ku qaadayaan dagaal.

Ilaa 2011 labadda dal dhaqaalahoodu wuu ka sii darayay, Suudan waxay weyday dakhligii ugu badnaa ee saliidda ka soo gali jiray, ka dib markii ay ka go’day Koonfur Suudaan. Si la mid ah dhaqaalihii Masar ee ka soo xeroon jiray dalxiiska waxa naafeeyay, weeraro argagixiso oo joogto ah.

Masar doorasho ayay galaysaa bisha Maaraj, waxa na loo lulayaa dadka calanka waddaninimada, taas ayaa keenaysay xidhiidhka xumaanaya si uu xukunku negi ugu sii ahaado gacanta Sisi, oo hore u ahaa wasiirka difaaca iyo taliyaha ciidanka qalabka sida. Idriss ayaa aamminsan in labadda dal ay “ isku dayayaan inay sawiraan weji colaadeed si ay dareenka shacabkooda uga jeediyaan, adeegga aasaasiga ah ee ay ku guuldarraysteen inay siiyaan dadkooda.”

Alhaj Hamad, agaasimaha xarunta horumarinta bulshada ee Suudaan ayaa sheegay, “ labadda keligood taliye ayaa doonaya inay dadka ka jeediyaan, dhibaatooyinka gondahooda yaalla.” Waxa uu ku daray in aanay labadda dal midkood na awoodayn, inay dagaal furan qaadaan.  “Uma malaynayo inay hore ugu sii socon karaan. Xaaladdan imika socota waxa loo yaqaan, isku miisaamidda daciifnimada”

 

W/T: Jibril Jirde

Email: Jirde40@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here