XIKMADA MAANTA: (Ninba Dahab Lumay Si U Doon-doon)-Qalinkii:Akram Rashiid

0
98

Muddo ka badan 23 sannadood jamhuuriyada soomaaliland waxa ka hirgalay arimo badan oo ay ka qatanyihiin dawlado waawayn oo da’ tirsaday qaarkoodna inala jaaryihiin, sida nabada iyo xasiloonida ka jirta wadanka Somaliland, oo dawlado badani ilaa imika ay xal u laayihiin siday nabada faraha ka baxday u soo noqon lahayd.

11063252_915505298470673_1134362800_nWaa wax ALLE loogu mahad naqo waxaanan ku bogaadinayaa dhamaan mujtamaca Somaliland ee ilaashanaya diintooda,dalkooga iyo dadkooga ee kalsoonida uga kala gooshaya inta ay ka koobantahay Somaliland.

Hadaba waxaad moodaa in sanadahan dambe wadankii kor u talaabsaday dib u talaabsanayo kadib markay soo noolaadeen waxyaabihii dib u dhaca keenayey sida in lays haybsado ama danyarta hantidooda la boobo oo afar qof lugta ku walaaqaan wadanka madax,ganacsato,wadaado iyo qaar kale.

Hadaba balaayo madax la qabtay leedahaye nimanka mucaaradnimada raafdilaacday sheegta ee halhaysta ka dhigtay haday sidaasi dhici waydo dawladi ma jirayso, ee balaayo yaboohsanaya ujeedadooduna tahay sideen wax u boobaa, waxaan leeyahay mucaaradnimadiinu wax jira maaha, kuwa bulshada beenta ku haasaawiya ee ay ka dhaadhacsantahay ummadu sidiinay u wada dharagsantahay, waxaan leeyahay maalin aan  maanta ahayn ayaad garan doontaan.

Kuwa wax mucaaradaya iyo kuwa ka soo horjeedaba yoolkoogu wuxu yahay sideed gacanta ugu dhigtaa 500 ee shilin ee laga qaado tamaandho layda kabna lulaysa kabna laalaadinaysa ee hiirta waabari kacaysa gabal dhacana hoyanaysa.

Arinta ugu layaabka badani waa marka kii caydiga ahaa iyo kii guxushaaga ahaa iyo kii qurba jooga ahaa iyo kii wadaadka ahaa iyo kii waran laha ahaaba afka ka ka sheegtaaan siyaasiyiyiin baanu nahay, waana ta keentay in siyaasadii agoowmowdo.

Marka kursigii ummada looga talinayey nin lacag ku daydaya iyo nin hayb iyo reer ku daydaya iyo nin mujaahidnimo ku daydaya iyo nin wadaadnimo ku daydaya uu noqday, ee ummada lagu habaabinayo humaag been ah, dee waa “Ninba Dahab Lumay Si u Doondoon”

Qalinkii: Akram Rashiid

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here