Xil. Dheeg Oo Adhax-jab Ku Tilmaamay Wareegto Uu Guddoomiyaha Guurtidu Ku Sagootiyey Kal-fadhigii U Dembeeyey Ee Goluhu Muddo Kordhinta Ku Ansixiyey

0
42
  1. M. Yaasiin Oo Huriyey Digo Hoosta Ka Nool Oo Guddoomiye Saleebaan Carmo Ku Daday Iyo Saamaynta Togan Ee Golaha Ay Ku yeelan Karto

“ Guurtidu Waa Gole Uu Nin Kasta Oo Mudane Ahi  Afkaartiisa Si Madax Banaan U Soo Jeedin Karo, Ma  Doonayo, Ma Ogoli, Raallina Kama Ihi In Shakhsi  Ila Mid ahi Inuu  Yidhaa Waan Ku Metelayaa”

xildhibaan dheegHargeysa(Hubaal)- Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka mid ah Mudanayaasha Aqalka Golaha Guurtida Somaliland ayaa naqdiyey sharciyadda uu Guddoomiyaha golahaasi ku magacaabay Afhayeenka Guurtida, kaas oo uu Md. Dheeg Sheegay in aanay haba yaraatee meelna sharciyadda kaga jirin magacaabistaasi. Xildhibaab Dheeg oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa waxa uu saxaafadda lafteeda ku canaantay in ay u hogaansamaan xilkaasi Md. Saleebaan Gaal u magacaabay Xildhibaan Cabdiqaadir MAxamed Xasan (Indho-indho) inuu ahaado Afhayeenka golaha Guurtida.  indho indho“Maalintii aanu muddo kordhinta samaynay waxa laga joogaa muddo badan illaa xilligaasna  nin ayaa idiin sheegan jiray [saxaafadda] afhayeenka golaha guurtida Somaliland” sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Dheeg, waxaanu intaa ku daray “Gole kasta oo baarlamaan afhayeenkoodu waa gudoomiyahooda, qof aanu goluhu dooranna ma sheegan karo afhayeen, waayo waxa afhayeen gole baarlamaana ah guddoomiyaha golahaasi”.   Xildhibaan Dheeg oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Golaha guurtidu waa gole madax banaan oo nin kasta  oo mudane ahi uu afkaartiisa iyo aragtidiisa si madax banaan u soo jeedin karo laakiin ma aha in nin aanaan doorani uu suuqa la wareegaysto , Mana aha mid na qabata, mid laga dhegeysanayana  maaha,  waayo caalamka oo dhan afhayeenka baarlamanaanku  waa gudoomiyahooda ama shir guddoonkooda”. Waxa kale oo Md. Dheeg ka hadlay  afcaasha xildhibaan Cabdiqaadir Indho oo uu  sheegay in ay hoos u dhigeen  go’aankii Muddo kordhinta la xidhiidhay ee  golaha guurtida, waxaana isaga oo Dheeg daba socda hadal kasoo yeedhay Mr. Indho oo la xidhiidha in ay maxakamad la tegayaan xalaalaynta go;aankii guurtida  uu yidhi “Arrinta kale ee aanu ka damqanay waxa weeyaan go’aankayagii 72-ka nin ka go’aan gaadheen oo dabcay durba sidii uu ula wareegaysanayey  suuqa  ee uu u lahaa  afhayeenkii ayaan ahay oo cid ayaaan  uu leeyahay cid ayaan maxkamad keenayaa oo uu leeyahay cid ayaan ku xidh xidhayaa.”  “Waxaanu nahay gole miisaan leh oo aan la murmin guddida doorashoyinka iyo xisbi mucaarid ah toona hana caayaan iyagu waxay doonaana hanaga sheegaan, go’aankayagii golaha guurtidana waxa laga hadli karaa marka la helo  nin leh waa bilaa sharci oo maxkamada sare geeya oo yidhaa wixii  golahaas ka soo baxay waa bilaa sharci markaana qof kale uma jawaabayo ee shirgudonkayaga ayaa jawaabta siinaya  haddii uu  qancin kari waayana golaha ayaa la soo hor dhigayaa  oo laga doodayaa, markaas ayaana laga jawaabi karaa go,aankii goluhu gaadhay laakiin wad wadkiisa ayaad moodaa inuu naga dabciyey oo meelo badan laga soo galay go’aankayagii. Ma doonayno mana fiicna raalina kama nihin, aniguna shakhsiyan golaha ayaan ka mid ahay mana ogola shakhsi ila mid ah  oo aanan u dhiiban afkaartayga inuu yidhaa waan matalayaa, golaha guurtida waxa magaciisa ku hadli kara  gudoomiyaha golaha, waxaan ka maqlay gudoomiyaha ayaa I magacaabay gudoomiyuhu haddii uu xilkiisa gudan waayey nooma magacaabi karo qof kale waana inuu yidha waxa uu afhayeen u yahay aniga(gudoomiyaha) ama shir gudoonka.” Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg)  ayaa ka mid ah xildhibaannada faro ku tiriska ah ee  ka jooga xubnihii lagu bilaabay golaha guurtida markii la aasaasay, isaga oo  la soo caano maalay  badiba madaxweyneyaashii dalka soo maray marka laga reebo madaxweynihii u horeeyey, waxaana Mudanahan lagu sifeeyaa  inuu saaxiib dhaw la yeesho hadba xukuumadda ama maamulka dalka ka taliya isaga oo gaashaan uga noqda hadba mucaaradka ka soo jeeda maamulkaasi. Si kale haddii loo dhigo waxa uu si adag u difaacaa mashaariicda sharci ee golahiisa  uga yimaada dhinaca xukuumada talada haysa. Dadka aqoonta u leh md. Dheeg waxa ay ku tilmaamaan muxaafid maro ku dheg ah oo isagu si dadban iyo si daalacanba u difaaca.  Waxa lagu xasuustaa Xukuumaddii ka horeysay tan immika xilka haysa ee uu hoggaamin jiray Madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale waxa uu Xildhibaan dheeg ku suntanaa xubnihii kasoo hor jeedi jiray qorshihii mucaaridnimo ee xisbigii uu hogaaminayay Madaxweynaha hadda xilka haya ee KULMIYA oo xildhibaanku mar walba toosh iftiin badan la daba geli jiray asxaabta mucaaridka ahayd. Taas beddelkeeda markii Xisbiga KULMIYE talada la wareegay ee Md. Siilaanyo kursiga ku fadhiistay waxa Md. Dheeg uu isla markiiba jillaabta sudhay Xukuumaddii xilka wareegtay, taas oo uu illaa waqtigan shidhka u saaran yahay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here