Xil-ka-qaadis Aan Faahfaah-sanayn Oo Madaxweyne Siilaanyo Xalay Ku Rusqeeyey Hanti-dhawrihii Qaranka

0
165

Mr. Maxamuud-dheere Waxa Xilkan Hadda Laga Qaaday Loo Dhiibay Bishan [August] Bisheedii Toddoba Sanno Ka Hor

 

 

Hargeysa (Hubaal):- Hanti-dhawrihii guud ee Qaranka Somaliland Maxamuud Aw Cabdi Ibraahin (Maxamuud-Dheere), ayaa Madaxweyne Siilaanyo Xilka ka qaaday xalay cawayskii, sida lagu sheegay Qoraal kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada. Digreetada Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo xilka kaga qaaday Hanti-dhawrihii guud ee Qaranka, ayaa Nuqul ka mid ahi  soo gaadhay Wargeyska HUBAAL, waxa uu u dhignaa sidatan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-4946/072017 uu xilkii kaga qaaday Hanti-dhawrihii Guud ee Qaranka. Waxaanay u dhignayd digreetada madaxweynuhu sidan:-

Ku:      Mudane, Maxamuud Aw Cabdi Ibraahin (Maxamuud Dheere)- Hanti-dhawrihii Guud ee Qaranka

Og:      Ku-xigeenka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka

Og:      Xisaabiyaha Guud ee Qaranka               

Og:      Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

Ujeeddo:        Xil-ka Qaadis:

Mudane, waxaan kaaga mahadcelinayaa muddadii aad soo haysay xilka Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Haddaba, waxaan gartay in aan kaa qaado xilkaas, waxaanad ku wareejin doontaa Ku-xigeenka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, oo si ku meel-gaadh ah u sii hayn doona, inta aan u soo magacaabayo mas’uul ku habboon xilka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka.” Sidaa ayaa lagu yidhi Digreetada Xil-ka-qaadista Madaxweyne Siilaanyo. Hantidhawraha guud ee xilka laga qaaday Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim Ayaa kamid ahaa hormadii labaad ee dawladii uu madaxweyne Siilaanyo soo dhisay markii uu talada la wareegay sanadkii 2010-kii, kuwaas oo isugu jiray maareeyeyaal, agaasimeyaal guud, madax hay’ado dawladeed iyo baadhasaabo, waxaana   Md. Maxamuud Dheere xafiiskan  loo magacaabay bishan [August] bisheedii toddoba sanadood ka hor.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here