HUBAALMEDIA.COM
Xil. Saleebaan Koorre oo Madal Ay Labeenta Beellaha Harti Ku Dhan Yihiin Kaga Dhawaaqay Inuu U Sharraxan Yahay Hoggaaminta Golaha Wakiillada
May 3, 2017 - Written by Mustafe Faro

“Sharaf Weyn Ayey Ii Tahay In Aan Maanta     Hortiina Kaga Dhawaaqo In Aan U Sharax Nahay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada”

“Geella Ninkii Yaqaannaa Marka Uu Naaska U Diido [Nirigta] Iyaduna, Wey Ka Ridanaysaa Maraqa, Siyaasadduna Waa Sidaas Oo Kale Oo Waa Isu Haad-Qabasho”

taageerrada koore

 Hargeysa (Hubaal) – Wasiirrada iyo Xubnaha masuuliyiinta kale ee Xukuumadda Somaliland ugu jira Beelaha Harti oo ay ku jiraan  Xildhibaano labada Gole Baarlamaan ee Somaliland iyo Haldoorka, Salaadiinta iyo ganacsatadda Beelahaasi ee reer Somaliland , ayaa Munaasibad weyn si mug leh  taageerado ugu muujiyey oo cadeeyey inay la garab istaageen Xildhibaan Saleebaan Cali Yuusuf (Koore) oo isku sharaxay  Jagadda Guddoomiyenimadda ee Aqalka Wakiiladda Somaliland oo dhawaan la filaayo in uu banaanoodo booskaasi. Munaasibadan oo shalay ka dhacday Huteel Magaaladda Hargeysa ku yaala, ayaa Qoor weynta Beelaha Harti ee Wasiiradda Arimaha Guddaha, Gaashaandhiga, Wasiirka Biyaha, wasiirkii hore ee Biyaha, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Agaasimayaal, Xildhibaanadda guurtidda iyo wakiilada,  Madax dhaqameedka iyo Ganacsatadda ee Beelaha Bariga Somaliland, ay si wada jira halka uga  taageereen hanka Xildhibaan Saleebaan Cali Yuusuf (Koore) oo isku sharaxay  Jagadda Guddoomiyenimadda ee Aqalka Wakiiladda Somaliland oo dhawaan la filaayo in Cabdiraxmaan Cirro banaynaayo  iyaga oo cid kasta oo ay arintaasi khusayso gaar ahaan dhinacyadda Madaxweynaha, Murashaxiinta Xisbiyadda ee Madaxtimadda iyo Xildhibaanadda Aqalka Wakiilada ay ka codsadeen in ka Beelo Harti ahaan ay ku taageeraan buuxinta booskaasi marka uu banaanaado inay garteen Saleebaan Cali Koore in uu fadhiisto Kursigaasi.

Xildhibaan Saleebaan Cali Yuusuf (Koore) oo isku sharaxay  Jagadda Guddoomiyenimadda ee Aqalka Wakiiladda Somaliland oo  ugu horeyn ka dareen celiyey taageeradda ay Qoor weynta Beelaha Harti ee masuuliyiinta xukuumadda ku jirta, xildhibaanadda guurtidda iyo wakiilada iyo Madax dhaqameedka iyo Ganacsatadda iskugu jirta ku taageereen hankiisa murashaxnimadda “Sharaf weyn ayey ii tahay in haldoorkii umadda ee deegaanka aynu ka soo jeedno ee (Beelaha Harti)  inay halkan maanta iskugu yimaadaan iyaga oo igu sharfaaya oo igu Ixtiraamaya in aan isku taago Jagadda Guddoomiyenimadda Golaha Wakiiladda ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, aad iyo aad ayey sharaf iigu tahay, waxaan halkan dadka Somaliland-ta jecel iyo dadka Somaliland-ta daneeya dadka qaranimadda iyo wada jirka Somaliland daneeya dadka og nin walba Somaliland inta uu u soo qabtay iyo inta uu u soo qalaxtamay, waxa sharaf ii ah dadka sharafta leh ee uu tiriyey Cabdi Cabdilaahi in aan hortiina kaga dhawaaqo in aan u sharax nahay guddoomiyaha golaha wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland cidna wax ka sheegi mayno cid aanu halkan hada wax laga odhanayaana ma jirto, waxaan u arkaa bani’aadamka inta leegi kolay iska ma iman ee kolay talo iyo fikir ayey ku yimaadeen, markii aanu is xansanay oo dhan kasta u wareegnay oo aanu wada tashanay , waxay ka badin wayday in aan kursiga golaha wakiilada dadka halkan jooga uga noqdo wakiil umadda Somaliland iyo dadka deegaankana waxay u tahay taasi sharaf iyo karaamo”. Sidoo kale mid ka mid ahaa madaxda dhaqanka ee halkaasi ka hadashay aya ayidhi “Horta Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanku dadka kama wada-dhaxayso oo   xildhibaannada ayaa wax dooranaya [Laakiin] Innagu Taageerayaal beynu nahay, laakiin Baarlamaanka iyo xisbiga KULMIYE ee ay dawladdu ka dhisan tahay, haatanna uu Saleebaan Murashaxa ka yahay Waxaanu kula xisaabtamaynaa hadba sida ay haatan naga yeellaan, waayo ninkii xagasha kaa guba, lawgaa laga gubaa isagana ayaa la yidhi. , waxaa kale oo la yidhi laba jir aad naasna u diiday isna naas buu kuu diidaa, geella ninkii yaqaannaa marka uu naaska u diido [nirigta] ee aad ka afrayso, wey ka ridanaysaa maraga, markaa naasnaba way kuu diidaysaa, siyaasadduna waa sidaas oo kale oo waxaa ay leedahay isu haad-qabasho, markaa ninkii noo haad-qabta annaguna waanu u haad qabanaynaa, tanna [musharraxnimada Koorre] ugumana horreyso doorashada ugumana dambayso doorashada oo doorashooyin baa is daba jooga, intaasba annagu saamayn baanu ku leennahay”.     Wasiirka Gaashaandhiga ee Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami oo isaguna mawqafkiisa si cad ugu taageeray soona dhaweeyey Xildhibaan Saleebaan Cali Yuusuf (Koore) in uu buuxiyo Booska Guddoomiyenimadda golaha wakiilada Somaliland marka uu banaanaado waxaanu yidhi “Waxaan marka u horaysa ayidayaa oo qalbiyo iyo qaaliba la socdaa oo taageer sanahay , cuqaashii, guurtiddii, Indheer garadkii intii halkan ka hadashay codkii ay ku hadleen oo cod uu qofku jeebada kala soo baxay ahayn iyo mid wax lagu cunaayo aan midna ahayn oo cod wax tar ah oo saacatul halahalaaga xabadda la rido ka qiimo badan ba la sheegay, codkaas ayaan aniguna boqolkiiba boqol raacsanahay inta marka aan sida Idhaahdo, waa saaxiibkay Saleebaan Cali Koore dhibaato jirta dadka qaar ayaa leh halkan ayaa layga arkayaayo daaqad ayaa furan oo al-baab ayaa xidhan oo waxaasa la shubaa, waar tani dhuun dhuumasho ma leh dhabarku muuqda waa xaaraan, waxaan anigu aaminsanahay wuxu qofku go’aansado iyo meesha uu u soo kicitimo waa in uu fuliyaa anigu 9:30 ayaan balanlahaa imikana waa 10:00, waxaan Idhi waar inta ay goori goor tahay, waajibkiina imika gutay oo hada dayn ayaan iska riday mar hadii aan imid, maalin walba bawdo ayaa qaawan, hadii aadan maalinta ay kugu soo hagaagto asturin adna maalintaada bawdadaadu sidaas ayey u qaawanaanaysaa, wax jirayaa ma jiraan, marka waxaan ku soo gebo gebaynayaa, murashaxa metelen Saleebaan Cali Koore waa nin aanu mudo badan soo wada shaqaynay waa nin aan aqoon u leeyahay, waa nin asxaabtaydii iga horaysay oo dhami sheegtay oo maanta isaga laftiisu amaan inta ka badan ma qaadi karo , waa u tafaariiqaynaynaa oo Afrika markaba Sanka ayey taagtaa, laakiin waa u tafaariiqaynaynaa Amaanta marka hore oo waxaynu siinaynaa Miisaanka loo baahan yahay dabadeedna marka dambe sida aynu u wadno ilaa inta uu Kursiga ku fadhiisanaayo  tafaariiqd ayeynu ku wadaynaa”

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews