Xil-wareejintii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Jewiga Madal lagu wada qiray Hoggaamintiisii

0
40

Hargeysa, (Hubaal) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa si rasmi ah xilkii ugu kala wareejiyay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Md. Axmed Abokor Maxamed iyo Agaasimaha Guud ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Wasaaraddaas u soo magacaabay Md. Maxamed Faarax Xareed.  Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo labada Agaasime xilalkii kula kala wareegeen ayaa waxa ka soo qayb galay Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda, Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee wada-shaqaynta la leh Wasaaradda, Madax-dhaqameed iyo marti-sharaf kale. Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Md. Daa’uud Axmed Faarax ayaa sheegay in muddadii koobnayd ee uu Axmed Abokor ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda uu wada-shaqayn fiican la sameeyay Xafiiska Imtixaanaadka, taas oo suurtogalisay in wax badan laga qabto la-dagaallankii Qishka ee sannad-dugsiyeedkii ina dhaafay ee 2016/17.

DAAWO Muuqaal Dhamaystiran:

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here