HUBAALMEDIA.COM
Xildhibaan Axmed Cawaale Oo Sharraxay Sida Uu Hankiisa Shirguddoonka Iyo Saamiqaybsiga Beelaha Isu Waafajin Doono
April 26, 2017 - Written by Mustafe Faro

“Somaliland markii lagu dhawaaqay cid baa madaxweyne ka ahayd, cidbaana wax walba ka ahayd, markale ragga madaxda ka aha ee kuraasida ku wada fadhiyey isku beelo ayey ahaayeen, imikana…….”Xildh. Axmed Ducaale

bulaale(3)

Hargeysa:(Hubaal)-Xildhibaan Axmed Ducaale Bullaale oo katirsan mudaneyaasha golaha wakiillada, ayaa mar kale shaaciyey inuu u taagan yahay kamid noqoshada shirguddoonka golahaas oo la filayo inuu isbeddel ka dhaco waqtiga uu guddoomiye Cirro xilkaas iska casilo.

Xildhibaan Axmed Ducaale oo warbaahinta la hadlay, ayaa caddeeyey inuu dhawaan u ruqaansan doono dhinaca shirguddoonka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maadaama sida wararku sheegayaan isbeddel ku iman doono shir-guddoonka inaan kuraasta shirguddoonka mid kamid ah quud-darreeyo horaan u shaaciyey, waana dimuqraaddiyad, sida nin waliba oo golaha kamid ahi damac u leeyahay Ayaan aniguna u yeeshay.”

Xildhibaanka oo wax laga weydiiyey sida uu hankiisu u waafajin doono hannaanka saami-qaybsiga beelaha Somaliland, maadaama oo beeshiisa loo tirinayo inay xilal waaweyn qaranka ka hayso, ayaa waxa uu arrintan kaga jawaabay,“Somaliland markii lagu dhawaaqay cid baa madaxweyne ka ahayd, cidbaana wax walba ka ahayd, markale ragga madaxda ka aha ee kuraasida ku wada fadhiyey isku beelo ayey ahaayeen, imikana fursadda way kasii wada baxayaan kuwaas aad sheegaysaa, ninkasta oo kursi isu soo taagaana cid uun buu kasoo jeedaa,” ayuu yidhi xildhibaan Axmed Ducaale.

Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, ayaa lagu wadaa inuu dhawaan isbeddel weyni ku yimaaddo, maadaama oo la filayo inuu guddoomiye Cirro iscasilaad ku dhawaaqi doono si uu murrashaxnimadiisa ugu banbaxo, waxana ay taasi keentay inay soo baxaan mudaneyaal badan oo caddeeyey hungurigooda.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews