Xildhibaan Ingiriis Ah Oo Baarlamaanka Dalkiisa Horkeenay Dood Ku Saabsan Qaddiyada Somaliland & Nuxurka Su’aal Uu Wasiirka Kaalmada Dibeda Ka Weydiiyey

0
1

Bob Stewart Oo Ah Mudane Waayo Arag Ah Oo Si Dhow Ula Socda Qaddiyadda Madax-Bannaanida Somaliland, Waxa Uu Ahaan Jiray Korneyl Ka Tirsan Millatariga Ingiriiska

Dawladda Ingiriiska oo Sharraxday Iskaashiga ka Dhexeeya Somaliland &  Wasiirka Kaalmada dibadda ee Britain oo shaacisay inay Somaliland arrimo Ay JSL Ka Caawiyaan

 

 

London(Hubaal)- Fadhigii Baarlamaanka Britain  ee khamiistii   ayaa lagu soo qaaday Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana  Wasiirka Kaalmada dibadda u qaabilsan Britain,  Penny Mordaunt, wax laga weydiiyey sababta  Ingiriisku u taageeri waayey Somaliland oo   saaxiibtinimo soojireen ahi ka dhexayso. Siday baahisay  wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA, Xildhibaan  Bob Stewart oo ah Mudane laga soo doorto  degmada  Beckenham oo ku taalla  koonfur bari ee magaalada London, kana tirsan xisbiga Conservative Party,-ga, ayaa  sheegay inuu  Somaliland indhihiisa ku soo arkay oo ay ahaan jirtay maxmiyadii Ingiriiska oo la odhan jiray “British Somaliland”, waxaanu weydiiyey wasiirka kaalmada dibadda Britain  Mrs. Penny Mordaunt, waxay u caawin waayeen Somaliland oo uu caddeeyey inay tahay   saaxiib weyn oo mar walba garab taagan Ingiriiska. Wasiirka Kaalmada dibadda ee Britain, Penny Mordaunt, ayaa sheegtay inay xildhibaanka uga mahadcelinayso su’aasha uu weydiiyey ee ku wajahan Somaliland,  waxaanay shaacisay inay Somaliland ka caawiyaan  dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, gargaarka bini’aadanimo  isla markaana wax kala qabtaan  dhinaca ammaanka iyo la dagaalanka argagixisada. Wasiirka mucaawimada dibadda UK, waxa kaloo ay  intaas ku dartay  inay dawladda Ingiriisku  taageerto Guddida doorashooyinka Somaliland si ay u hirgeliyaan hawlaha doorashooyinka. Xildhibaan Bob Stewart oo ah mudane waayo arag ah, waxa uu ka mid yahay xildhibaannada Ingiriiska ee taageera ee sida dhow ula socda qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland, waxaanu golaha Baarlamaanka UK ku jiray tan iyo 2010kii. Waxaanu hore uga tirsanaan jiray ciidammada millatariga Ingiriiska, waxaanu ka gaadhay derajada   Kornayl. Dawladda Ingiriisku waxay maalgelisay kor-joogtadii caalamiga ahayd ee ka qaybgalay doorashadii madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoontay Bishii November ee sannadkii hore, waxaanay warbixintii kama dambaysta ahayd ee goobjoogeyaashii caalamka ka socday  ka marag kaceen in si dimuqraadi ah oo xor  ah ay u dhacday doorashadaasi.

SHARE
Article horeXukuumadda Ethiopia Oo Shaqada Ka Eriday Shan Taliye Oo Ka Mid Ah Kuwa Sarreeya Xabsiyada Dalkaas
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here