Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Guurtida Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ku Dhaliilay Siyaasadda Dalku Ku Socdo

0
1

Hargeysa (Hubaal) Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye oo loo yaqaan Axmed-gacan oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland, ayaa ka hadlay xaaladda dalka, wuxuuna goldaloolooyinka jira ku eedeeyay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi

Xildhibaaka oo arrimahan ka hadlayaa, waxa uu yidhi; “maanta wixii dhalinyaro ahaa, waxay isku gureen magaaladda Muqdisho. Madaxweynaha waxa la gudboon laba xaaladood oo kala ah; mida koowaad, waa inuu Isaaq heshiisiiyo oo habkii uu u heshiisiin lahaa inuu keeno, ta labaadna halkaa Tukaraq ciidan buu geeyay, Tukaraq markaad dhaafto ilaa Garoowe waa banaan, waa dhufays Tukaraq oo haddii halkaa looga baxo ama xaggan laynooga soo saarona layna arki maayo. Markaa waxaan leeyahay halkaa waxbaa innaga soo socda, Soomaaliya inagamay hadhin ee waa ina dabasocotaa. Ma garanayo habeenkaa caawa ah Somaliland halkay u socoto, maamulka maanta joogaana dalka meelna uma jahayn” ayuu yidhi

Xildhibaanku ayaa intaasi ku daray, “Xagan Samaroon, waxay doonaysaa saamiqaybsi, xaq bayna u leeyihiin, Dhulbahante wuxuu leeyahay, arrinkii Cali Khaliif hala rumeeyo, distoorkana halanoo furo. Marka aad Burco Galbeedka ka bilowdana, dadka nool badankiisu waxbuu saluugayaa, markaa intaas haddii uu madaxweynuhu maanta heshiisiiyo oo uu jiheeyo, Smaliland way najaxday

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here