Xildhibaannada Soo Socda Yaanay Noqon Sida Kuwa Hada Jooga “ Awr Dabar La’aan Dhacay”

0
76

W/Q : Ibraahim Xabbo

 

 

 

 

 

 

 

Xisbiyada iyo Cida ay khusaysaa ha ka fikiraan Doorashada ka hor Dabarkii Qaban lahaa Xildhibaanada Wakiillada iyo Deegaanka, si ay Xubin waliba ugu shaqeyso Siyaasada Xisbiga uu ka soo baxay, Xisbiguna uu u bedeli karo Xubinta jebisa sharciga una keeni lahaa Xubinta 2 aad ee sugaha ah ee Xisbigiisa, si looga badbaado hungada iyo Khasaaraha Xikdhibaanku Qaranka, Dimuquraadiyada iyo Asxasbtaba u geysanaayo.

Guud ahaan Xisbiyada waxaa ka haysta dhibaato in aanay Siyaasiga ay soo dhallaan ama ku soo tabcaan ee ay keennaan Golayaasha Deegaanka ama Wakiillada aanu ahayn siyaasi ay xakamayn karaan Siyaasada Xisbiga uu ku soo baxay, ee aanu noqon Xidhibaan marka uu soo baxo u foof taga halka uu rabo oo weliba Dagaal la galla Xisbigii dadka baray ee Beertay.

 

Waxaan ku tallin lahaa Xisbiyadu guud ahaan inay dabar adag oo xidha u sameeyaan dadka ay keenayaan intaanay Doorashoba la gelin.

Hadii kale wax macno ah ma samaynmaayo Doorashada iyo cida imanaysaatoona.

Xildhibaan ku sheeg soo shaqo tagay oo lacag raadis ah uun baa la soo kordhiyey oo u daran wax walba.

Sida; Misaaniyada badan ee ku baxaysa Haayad dhan ee u baahan kharash ay ku shaqayso oo nooc walba leh.

Haday tahay iyaga Mushaharadooda.

Haday tahay Shaqaallahooda.

Haday tahay wixii loo baahnaa oo dhan.

Sidoo kale iska daa waxay taraane waxa ay Khal khal gelinaaan ama ay ka hor imanayaan nidaamka Xisbinimadu in uu shaqeeyo oo uu kobco.

Nidaamka Dawladnimadu in uu shaqeeyo oo uu taaba gallo.

 

Musuqii iyo cadallad daradii oo kii ilaalin lahaa uu isagii noqonaayo Xerada ama halka saldhiga u ah Booliga.

Nabadgelyadi oo ay wax weyn yeellayaan.

Qabyaalladii oo iyana ay sii xoogaynayaan, oo Xildhibaanku marna uu noqonayo ku shubasho cid waliba adeegsato, marna uu noqonaayo Qabiilayste aan ku abtirsan Xisbi iyo maamul oo aan lahayn cid isaga la xisaabtanta.

Waa in uu jiraa Xeer lagu bedali karo oo uu Xubinimada uu ku waayi karo, laguna bedali karo oo xisbigu keeni karaa Xubintii ku soo xigatay isaga.

Hadii kuwa hada jooga oo kale uun ay noqonayaan waxaan odhan lahaa ha la iska daayo waaba laga maarmi karaaye Doorashadooda.

Waayo? Waa in waxa la samaysanaayo ee dhaqaallaha iyo wakhtigu ku baxayaan ay baahi jirta daboollaan hadii ay khasaare keenayaana la is dhaafaa.

Maaha macnuhu in Magacyo iyo dad dhibaato iyo jahwareer uun soo kordhiya la soo xanbaarto.

Sidoo kale waa in aanu Xisbiyadu iska keenin mid u soo hagoogtay Reerkooda, oo odayaal aan ka fiirsani ku keeneen sifooyin khaldan oo aanay ayaga laftoodu dhaadi karin.

Waa in la hellaa Siyaasad ay ku kalla duwanyihiin iyo aragtiyo kalla jaad ah oo ay hogaanka u hayaan Asxaabta sadexda ah ee Dalku leeyahay, taas oo leh Siyaasad iyo dabar iyo hogaan adag oo aanu ka gudbi karin Xildhibaanku Xisbigiisuna uu kulla xisaabtamo mar walba.

Waxaa in badan dhacday Xildhibaano markii ay soo bexeen ay ugu danbaysay Xisbigoodii dadkaba barray iyo Asalkoodii ay ka yimaadeen.

Kuwaas oo markaba ku tallaabsaday dadntooda shaqsiga ah iyo halka ay ka hellayaan waxa ay lafahooda uun ay u rabaan ayaga oo iska garab marraya wacadkii ay la galleen Xisbiga iyo Wacadkii iyo dhaartii ay u galleen Qarankaba.

Waxaan in badan aan arkay Xildhibaan isu soo wada marray Asxaabta sadexda ah ee Qaranka, oo ku soo wada dabaashay sedexda Berkadoodba.

Waa wax aad loogu qoslo oo u baahan in wax laga bedalo nidaamkaa Saabka ah ee aan buusamahayn wax kasta oo lagu shubo.

Waxay kow ka tahay waxyaabaha isu keen qaban waayey ee isku cayn iyo bayd go,an ama isku qasan.

Waxaa ogaydeen oo Dalka ka dhacday in Xubin Xisbi ka soo baxday oo hadana Xisbigiii uu u Xushay inuu noqdo Gudoonka Wakiillada in uu Xisbi kale furtay Gudoomiyena ka noqday oo kaaga sii darane uu uba orday hadana hogaanka Dalka ugu Sareeya.

Markay sidaas tahay miyeynaan kuligeen been ka wada sheegahayn inay horu marto Dimuquraadiyada aynu kolba mar maroorinayno ee tarbiicaha iyo tuuraha aynu u wada samaynay.

Miyaan waxeenu wada khaldanayn oo aanay noqonayn ” Hal Xaarraan ahi Nirig Xallaal ah ma dhasho”

Xisbiga Ucid iyo Kulmiye oo aan si gaarra ullagala baxaayo asxaabta maadaama ay ahaayeen kuwii keenay Xildhibaanadii mudada badan fadhiyey Wakiillada ee hadana mid waliba ka foof tagay Xisbigiisii.

Wollow cida keliya ee la wada fadhataystay ee la tun jileec saday ay ahayd Xisbiga Ucid oo aan filaayo in aan xitaa hal Xildhibaan ku hadhin.

Waxaan kulla talin lahaa ” in ay wax ka bartaan dhibkii ka soo gaadhay farsamo xumidaas hore inoo soo gaadhay .

Waxaan leeyahay waxaad maanta haystaan fursad iyo khibrad badan oo wax kaga qaban kartaan goldaloollooyinkii Doorashadii hore.

Sidoo kale yaanay idiin rarin qaar aan idiin furi doonin oo ah odayaal gacanta wada haya qaar aan xul ahayn oo la leeyahay Reer hebel ayaa wata oo waa Musharax hebel.

Waxaa dhacda in la sii kalla dillaallo oo laga ganacsado Xildhibaanka xuludiisa tii oo aan loo eegahayn waxba ee ay tahay uun ” Geelba Sibir Godan iyo Gadh ma leeyahay”

Marka danbana la isku canaanto oo farta dhexda laga qaniino iyo maxaa hebel inagu watay.

Cid mahadisaana aanay haba yaraatee aanay jirin haday tahay kuwiii doortay iyo haday tahay Xisbiyadiiba.

Waxaan ku odhan lahaa talladayda haba gelina Doorashada hadaan Xulid iyo Dabar adag loo samayn.

Kugu meel gaadhe abaal laawe ah, oo aan Qaran iyo Qollotoona waxba tarin.

Dabarka ka qabanaya ka sokow ka fiirso oo ku Xullo khibrada iyo duruusta aad ka faa,iiday Doorashooyinkii hore ee aad isku qalladay siidhka Geedka Tufaaxa iyo ka Tiinka.

Xisbiyada qaarkood yey noqonin qaar maalinta loo baahan yahay ay isticmaallaan Abaallaawayaal aan waxba ku darsan oo cid walba u daran.

Weliba Xisbiga Ucid waxaan leeyahay ha noqon Garbo Diiri Nin Daguugan ma weydo.

Waxaan gaar ugulla baxayaa Ucid in uu ahaa ka ugu ayaanka daran ee Ciin iyo Dhirkayn miidhan intuu soo xushay ay garan waayeen goobtii cidla ciirsilada ahayd ee uu ka soo qaatay ee xitaa qaar aan Deegaankaba ahayn uu Deegaameeyey.

 

.

 

Waxaan ku soo koobayaa hadalkayga iyo siday aniga ila tahay ee aanan cidna ku khasbayn ee la qaadan karo ama la iskaba dhaafi karo, in dhug loo yeesho arintaa oo hore inoo soo martay ee aan la mahadin.

Dunida aynu ku dayano ee iska leh Dimuquraadiyada Sanadkii walba shuruuc cusub oo waayaha Dalkoodu baray ayey ku darraan, oo ay ku dabaqaan Shuruucdoodii hore ee yeellatay gol daloollooyinka.

Markaa bahasha Dimuquraadiyada ah aynu horu marino oo ku dabaqno hadba waxa jira iyo waxa taagan.

Cida ay khusayso ama akhristoow fikirka aniga iga yimi wuu noqon karaa sax ama khalad labadaba waana waajib in aan soo gudbiyo hadii la qaato iyo hadaan la qaadanba.

Waayo ? Khasab maaha in la qaato ama waxaagu sax wada noqdaan hadaad maanta se la waydo waa hubaal in aad maalin uun la heli weeyaan taydu oo waa tii Nacaskaba lagu guuray tiisii ee uu yidhi ” Collka Wadhaf ma kagu dayey”

 

By Qalinkii Ibraahim (Xabbo)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here