Xildhibaano Ka Tirsan G.Deegaanka Berbera Oo Cambaareeyay Xadhiga Xildhibaannada ‏

0
17

Berbera (Hubaal) -Xubno Ka Tirsan Golaha Deegaanka Dagmada  Berbera ayaa Sheegay Inay kulan dag-dag ah  isku Imanayaan Ka Dib Markii Xukuumada Laba Xildhibaan Xabsiga U Taxaabtay, Hadaba

xildhibaano berbera

Qoraal ay Saxaafada soo gaadhseeyeen Xubnaha golaha deegaanku ayay ku sheegeen inay Kulan dag-dag ah ay iskugu imanayaan si ay uga hadlaan Xadhiga sharci darada ah ee loo gaystay laba Xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka.

Xildhibaanadu Waxay Canbaareeyeen Xidhiga Sida Sharci darada loogu gaystay Labada Xildhibaan taas oo aan waafaqsanayn sharciga dalka .

waxaa kale oo ay sheegeen inay talaabo adag ka qaadan doonaan arintan iyaga oo sheegay in Badhasaabka Gobolka iyo Taliyaha qaybta inay go’aan ka gaadhi-doonaan isla markaasna aan sidaas looga hadhi doonin talaabadan sharci darada ah ee ay xabsiga ugu taxabeen xubnaha golaha deegaanka taas oo sharciga baalmarsan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here