Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Deegaanka Borama Iyo Xubno Dhallinyaro ah Oo Maanta La Xidhay

0
22

Borama (Hubaal)-Ciidamada Ammaanka ayaa Maanta xabsiga dhigay Laba kamid ah xildhibaanada Golaha Deegaanka Borama iyo Tiro dhallinyaro ah ayaa Maanta Ciidamada Ammaanka ee Borama xabsiga u taxaabeen kadib rabshado shalay ka dhaceen Halkaas.

top-newsXildhibaanadan ayaa lagu haystaa inay masuul ka ahaayeen Mudaharaadkii shalay dhacay, kaas oo dadka la sheegayo inay ku taageersanaayeen Suldaan Fallaagoobay oo Deegaankaas kasoo jeeda.

Xildhibaanadan ayaa saldhigga magaalada BOrama haatan lagu hayaa, waxana la sheegayaa inay ciidamadu raadinayaan mudanayaal kale oo lagu tuhunsan yahay inay rabshadahaas soo abaabuleen.

 news

Ciidamada ammaanka ayaa si xooggan u adkeeyey ammaanka, waxana, jira dhaqdhaqaaqyo ciidanku ku daba joogan xubno la sheegayo inay ku hawllan yihiin Mudaharaaddo kale iyo rabshado la doonayo in Halkaas laga sameeyo.

Jawiga magaalada ayaa deggen sida aanu wararka ku helayno, waxana ciidanku heegan ugu jiraan sidii ay nabadda gacan adag ugi dhigi lahaayeen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here