“Xilliga Kala Guurka Ah Yaa Ay Tahay Inuu Guddida Xil-wareejinta Magacaabo”

0
120

“Maxaad Se Ka Taqaan Habka Dawladnimo Ee Loo Yaqaan Gouverner Par Ordannance?”- Qalinkii: Aqoonyahan Maxamed Xaaji Maxamuud

In is-beddel dawladnimada ku togani uu dalka ka hirgeli rabo waxa ay ka muuqataa waraaq Xafiiska Madaxweynaha la doortay ka soo baxday maalintii shalay oo qof in uun dawladnimada wax ka og sawir fiican ka siin karta habka dawladda soo socotaa ay dal iyo dad u maamuli doonto oo saadaal fiican ka bixinaysa dawlad wanaag. Warqadda tan oo nooceeda dawladnimadu u taqaan ”Par Ordonnances” oo inta badan ay soosaaraan Madaxweynayaasha la doortay wakhtiyada xil wareejinta amma in yar ka dib marka ay xilka la wareegaan waxa ay ahayd mid hab-qoraalkeedu aad u sarreeyey.

Gaar ahaan marka la ga eego dhinacyada nuxurka waraaqdu ay xambaarsaneyd, hab-dhigaalka qoraalka, higgaadda saxda ah ee Afka ay ku qoran tahay iyo farshaxannimada dawliga ah ee sida edboon u la socda. Waraaqdan marka la barbar-dhigo waraaqo hore oo Madaxtooyadeena ka soo baxay oo ummadnimadeenna wax-yeelo ku ahaa – anigu shakhsi ayaan ahay oo aad baan runtii ugu diirsaday.

Dhanka kale waxa aan jeclaystay in aan ka jawaabo su’aal dad dhawr ahi i soo kala wayddiiyeen oo isla waraaqdan ku taxalluqda. Su’aashani waxa ay nuxur ahaan u taal sida tan: –

Madaxweynaha la doortay ka hor inta aannu xilka la wareegin waraaq ma qori karaa guddina ma magacaabi karaa? Jawaabtu waa haa oo dhammaan Madaxweynayaasha la doortaa waxa ay xaq u leeyihiin in ay u diyaar-garoobaan qaadista xilka culus ee ku soo wajahan muddada kala guurka.

U diyaar-garowga xilka qaran waxa uu farsamo ahaan siinayaa Madaxweynaha la doortay labo ammuurood; tan hore waa in uu ogaado deynta, dhaqaalaha, iyo hantida qaran ee uu la wareegayo. Halka ay ammuurta labaad tahay mid farsamo iyo hab dawladnimo oo labo dhinac ah in hawsha loo la kala wareego.

Tusaale ahaan, xukuumadda tageysa iyo tan imanaysa waa in ay wada shaqayn labo dhinac ahi dhex-marto si masuuliyadda qaranka si habsami ah oo xilkasnimo ah loo la kala wareego. Waana sababtaa ta keenaysa in labo guddi oo ka kala socda Madaxweynaha la doortay iyo Madaxweynaha rasmiga ah ee talada ka sii degaya ay tahay in ay magacaabaan si dawladnimadii loo la kala wareego si nabdoon, la xisaabtan leh oo sahal ah.

Waana sababta keentay in uu Madaxweynaha la doortay waraaqdan “Par Ordonnance” soosaaro wakhtigan. Labada Madaxweyne (ka la doortay iyo kan rasmiga ah ee xilka ka sii degaya) guddida ay kala magacaabeen waa ay kala caddahay haddii aad si fiican ugu fiirsato.

Waxa cad in Guddida uu Guddoomiye u yahay Sacad Cali Shire oo ka socda xukuumadda talada haysa ee uu Axmed Siilaanyo gadhwadeenka ka yahay. Sidoo kalena wasiirrada arrimaha gudaha, madaxtooyada iyo deegaanka ayaa ah guddi ka socota xukuumadda oo hal dhan la ga soo magacaabay.

Halka Maxamed Kaahin Prof. Axmed Samatar iyo xubnaha kalena ay ka socdaan guddida uu Madaxweynaha la doortay magacaabay. Sidaa darteed, haddii ay ammuuri tahay in Madaxweynaha la doortay uu ‘’Gouverner Par Ordonnance’’ ku magacaabo xubno guddi ah oo xilka dawladnimo kala wareega xubno guddi ah oo kale waa ammuur sax ah oo dawladnimada waafaqsan.

Ileen caqliyan marka horeba Madaxweyne xil-wareejinayaa xilka uu wareejinayo uma wada magacaabeen cidda wareejinaysa iyo cidda la gu wareejinoyo eh. Saw ma habboona cidda la wareegaysa xilka in ay guddi iyada ka socda ay xilka ka tirsadaan cidda kale ee tirinaysa.

In Madaxweynaha la doortay waraaqda soosaaro mar haddii uu isagu yahay kan xilka la wareegaya ka dib marka uu la tashi la sameeyo Madaxweynaha uu talada kala wareegayo maalmo ka dib waa qurux dawladnimo oo dalalka adduunka oo dhami isla qaateen badi. Cidda ku dacwiyeysa sharci ma aha – ha keeneen iyagu sharciyad dastuuri ah oo diidaysa. Cidda kale ee leh xisbi xil la ma kala wareegana ha fahmeen macnaha xil la la kala wareegaa uu dawladnimo ku leeyahay.

Qalinkii: Mohamed Hagi Mohamoud

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here