“Xilligii Wasiir Samsam, Xisaabiyaha wuxuu guud Sida Ay Tahay U Dabiqi Jiray Wareegto Kasto Oo xafiiskeeda kasoo baxda”

0
1

Qalinkii; Maxamed Faarax Cabdi

Mohafaraha1@gmail.com

Iyada oo la tixraacayo shuruucda dalka u taalla iyo dastuurka qaranka ayaa waxa la soo afmeeray murankii daaranaa Eek u saabsanaa  kala duwanaanshaha aragtiyeed ee sharci ee u  dhexeeyey wasaarada maalliyada iyo xafiisk xisaabiyaha guud ee dawladda kaasi oo nidaam ahaan hoos yimaada isla markaana ah mid ka mid ah waaxaha wasaaradda maalliyada. Murankan  oo aakhirkii  lagu soo gabo-gabeeyay in uu xisaabaadka guud ee qaranku yahay waax ka tirsan wasaaradda horumarinta maaliyadda.

Waxa igu maqaallo ah in  uu xisaabiyaha guud ee dawladdu ka dalbaday wasiirka in uu ka noqdo wareegtada uu ku bedelay xisaabiye-ku-xigeenka Kayse Maxamed Cabdillaahi isla markaana uu sheegay in aanu isaga la’aantii shaqayn karin taas oo uu ku fal-celiyay in uu ka madax-adaygo fulinta amarka wasiirka. Hadiiba uu yidhi yaan la iga badalin xisaabiye-ku-xigeenka, ma loo micnaysan karaa in xisaabiyaha iyo ku xigeenka la badalay ay arrimo gaar ahi ka dhexeeyeen.. bal adba….

Tuhunnada meesha yaalla ee arrinta sii murgiyey waxa kamid ah oo kale in ay maqan yihiin lacago lagu qiyaasaya   40 bilyan oo shilinka soomaalilaan ah  oo xafiiska xisaabaadku ku macneeyey  daymo iyo wax aan macquul ahayn welibana ay   dheertahay in ay wasaaradihii siiyeen amar   ah   30% in ay dhimaan kharashka miisaaniyaddooda.

Waxa la wada ogsoonyahay in xilligii Samsam Cabdi Aadan iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale ay is bedello ku sameeyeen xilalka xisaabaadka guud ee qaranka taas oo uu xisaabiye kastaa sida ay tahay u fuliyay amarka wasiirrada aynu kor ku soo xusnay.

Dhinaca kale, Axmed Daauud oo ahaan jiray xisaabiye xilligii Samsam waxa uu sida ay tahay u fulin jiray amar kasta oo ay farto Samsam Cabdi Aadan. Wareegto kasta waa la dabiqi jiray isla marka ay soo baxdo. Haddaba, maadaama oo uu amarrada wasiirradii hore u hoggaansanaa, Maxaa sababay in uu imika ka caga-jiido fulinta amarka wasiirka maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi maadaama oo ay dawladdani tahay dawladdii sharciga,  kala danbaynta iyo baratakoolka? Maxay ku kala duwan yihiin labada wareegto ee ay labada wasiir kala qoreen?.

Dhinaca kale, waxa isku maalin la bedelay maamulihii madaarka Hargeysa oo ay isku reer yihiin wasiirka maaliyadda iyo xisaabiye ku xigeenka oo ka soo jeeda beellaha wasiirkii hore ee maalliyadu, markiiba waa la fuliyay amarka bedelaadda maamulaha madaarka maadaama oo uu badalay Maareeyaha Airport ka   halka aan la fulin wareegtada bedelaadda xisaabiye ku xigeenka maadaama oo uu bedelay wasiirka maaliyaddu.

Amar-diiddada uu sameeyay xisaabiyaha guud ee qaranku waxay abuurtay khal-khal iyo is abaabul kacdoon. Waxa kala socon la’ hawl-maalmeedkii shaqo ee dawladda maadaama oo aan ilaa hadda la sii daynin kharashaadkii hawl-socodsiinta ee uu dalku ku kala socon lahaa. Dawladdan ayaa ku fashilantay gabi-ahaanba u caddaalad-samaynta wasiirrada dalka soo maray, waxay abuurtay khalkhal dhinac walba ah oo nidaamka iyo kala dambaynta dawladnimada ah.

 

Qalinkii; Maxamed Faarax Cabdi

Mohafaraha1@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here