Xisbiga Kulmiye oo kalsooni-darro ka muujiyey Dhex-dhexaadnimada Turkiga ee wada-hadallada labada waddan, talooyin lagu waajihi karana soo jeediyey

0
14

Hargeysa (Hubaal)- Xisbiga talada dalka hoggaamiye ee Kulmiye, ayaa kalsooni-darro ka muujiyey dhex-dhexaadnimada iyo daacadnimada dawladda Turkigu ku marti-gelisay wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Somalia oo loo ballansan yahay inuu dib uga furmo magaalada Istanbul ee dalka Turkiga horaanta Sannadkan.

kulmiye11Heshiis ka kooban lix qodob oo madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya, Axmed Siilaanyo iyo Xasan Sheekh ku kala saxeexdeen kulan todobaadkan ku dhexmaray magaalada Djibouti, ayaa lagu go’aamiyey in wada-hadallada labada waddan sida ugu dhakhsaha badan loo bilaabo, iyada oo lagu heshiiyey inuu magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ka furmo 6-da bisha February ee sannadka dambe. Waxaana shirkaas oo laba maalmood inuu socda loo qorsheeyey lagu ballamay in lagaga wada-hadlo qodobbo xaasaasi ah oo qadiyadda madax-bannaanida Somaliland ka mid tahay, sida uu sheegay wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis.

Guddoomiiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo shalay xafiiskiisa ku qabtay shir-jaraa’id oo uu arrintan iyo qodobbo kale ka qaday, waxa uu sheegay inuu soo-dhawaynayo kulanka labada madaxweyne ku dhexmaray dalka Jabuuti, go’aamada ka soo baxay iyo marti-gelin dawladda Jabuuti ee arrimaha Soomaalida, balse waxa uu Guddoomiyaha Kulmiye kalsooni-darro ka muujiyey dhex-dhexaadnimada dawladda Turkiga ee wada-hadallada labada waddan, waxaanu ku baaqay in waddamada Jaarka ee urur-goboleedka IGAD oo dawladda Jabuuti ugu horeyso ay goob-joog ka ahaadaan shirka loo ballamay horaanta sannadka 2015-ka.

Isaga oo arrintan ka hadlaya, waxa uu yidhi, “Shirka Jabuuti lagu qabtay waan soo dhawaynayaa, waa dalkii ku habboonaa inay Arrinta Soomaalida ay gasho. Madaxweynaha Jabuuti waa qofka qudha ee madaxweynayaasha Caalamka ugu xogogaalsan waxa ay isku hayaan Somaliland iyo Soomaaliya; taariikh ahaan, siyaasad ahaa, dhaqan ahaan, waa madaxweynaha kaliya ee Soomaali ah ee xaqiiqadeeda og, cid arrintaa ina ka gar-naqdo ama kaga habbooni ma jirto.”

Muuse Biixi waxa uu sharraxayey kalsooni-darrada uu tilmaamay in ay ka qabaan dhex-dhexaadnimada dawladda Turkiga, waxaanu yidhi, “Arrinta Somaliland iyo Somalia markii hore waxay ka bilaabantay shirkii London oo dawladaha Yurub ee Ingiriiska iyo Norway ayaa soo faro-geliyey, mar dhexe uunbaa Turkiga loo soo raray. Inta aan ogahay, Turkigu xogogaal uma aha qadiyadda ka dhaxaysa Somaliland iyo Soomaaliya, waxaan ku ogaaday shir Turkiga lagu qabtay oo aan goob-joog ka ahayn Aniga, Faysal, Cirro iyo Siilaanyo waanu wada-joognay. Raysalwasaarihii markaas ee Turkiga oo immikana Madaxweyne ah wuxuu ahaa nin dhinac qudha sheekadooda haya oo gartooda dhegaysanaya.

Maalintaas, madaxweyne Siilaanyo ayaa si adag u gar-naqsaday, deetana wuu fadhiistay ninkaas raysalwasaaraha ahi oo wuu yaabay, wax badanbuu garowsaday oo dib-buu u fadhiistay, taasina waxay muujinaysaa inaanay xogogaal ahayn. Markaa arrintan waxa aad xogogaal ugu ah cidda ugu dhow oo Jabuuti kow ka tahay, IGAD oo dhamina way uga xogogaal san tahay Turkiga. Dawladaha Yurub hadday yihiin guumaystayaashii, arrintan way uga xogogaalsan yihiin Turkiga.”

Waxa uu Guddoomiye Muuse Biixi soo jeediyey in waddamada ku midaysan Urur-goboleedka IGAD oo uu ku tilmaamay inay dawladda Turkiga uga waayo-aragsan yihiin Arrimaha ka dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya ay goob-joog ka ahaadaan shirka Istanbul loogu ballamay sannadka dambe.

“Markaa waxaan qabaa Turkiga haddii lagu noqdo inaanay qabyo baxayn arrintaasi oo aanay dhammaanayn haddii aan laysugu tegin oo aanay IGAD iyo Yurub ka qayb-galin. Madaxweynaha Jabuuti-na waxaan ku dhiirri-gelinayaa inaanu arrintan faraha kala bixin maadaama uu yahay xigtada Soomaali ugu xigta,” Sidaas ayuu yidhi Muuse Biixi

Hargeysa, 24 Dec, 2014 (Himilo)- Kulan qado-sharaf ah oo lagu soo dhaweynayey siyaasiyiin hore xilal uga soo qabtay Xukuumadihii kala dambeeyey ee dalka isla markaana qayb weyn ka soo qaatay bud-dhiggii Qaranimada Somaliland, ayaa shalay lagu qabtay Huteel Dalxiis ee magaaladda Hargeysa.

Kulanka lagu soo dhawaynayey masuuliyiintan oo muddo badan dalka ka maqnaa, ayaa kulmiyey mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda, Xildhibaano ka tirsan Gollaha Wakiiladdda, Garaado iyo Aqoonyahan ka soo jeeda beesha Dhulbahante, ayaa lagu maamuusay saddex mas’uul Wasiirkii hore xannaanada Xoolaha Baashe Cali Jaamac, General Maxamuud Jaamac (Shoodhe Boodhe) iyo Wasiirkii hore ee Wasaarada Ganacsiga Somaliland Maxamed Cali Caateeye oo in muddo ah dalka dibaddiisa ku maqnaa.

Masuuliyiinta dawladda ee kulanka soo dhawaynta ah ka qayb-galay Gudoomiye kuxigeenka Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirasaaq Khaliif, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, Xildhibaan Saleebaan Cali Koore, Siyaasi Fu’aad Aadan Cade,Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guuto Maxamed Faarax Xuseen (Xiirane), Garaad Maxamuud Garaad Maxamed iyo Garaad Maxamed Garaad Saleebaan.

Ugu horeyn, waxa hadhimo-sharafeedkan ka hadlay, Cali Baashe oo ka mid ah haldoorka Beesha Dhulbahante isla markaana kulanka soo-qaabiyey, waxaanu ka warbixiyey ujeeddada ay u qabteen kulanka qado-sharafta ah.

“Kulankan ujeedadiisu waa soo dhaweyn nimankaa odayaasha lagu soo dhaweynayo magaaladda Hargeysa, waxaanan si weyn idiinka mahad celinayaa sida aad uga soo ajiibteen dalabkayaga , ujeedada qadadu wax kale kuma saabsana, ee waxa weeyi fariintayduna tahay in Dhulmahante intii halkan joogtaa ay midoobaan si ay kuwa kalena idiinku daydaan oo ay idiin soo raacaan degaankiina aad wax ugu qabataan. Mar haddii inteenan oo dhan aynu isu nimi reerkii iyo dhulkii aynu deganayn waxa loo baahan yahay laba arrimood oo muhhiim ah in la iska war hayo, la midoobo, deegaankii iyo halkana ay iska war hayaan la iskuna xidhnaado,” ayuu yidhi Cali Baashse.

General Maxamuud Jaamac (Shoodhe Boodhe) oo ka mid ahaa masuliyiinta lasoo dhaweeyay oo isaguna goobta ka hadlay, ayaa yidhi; “Aad iyo aadbaan idiin salaamayaa, dadka halkan fadhiya, waa kuwo aanu Hargeyse ahaan isu garanayno iyo in aanu si kale isu garanayno, balse badankooda waanu is wada garanaynaa, odayaasha magaaladda Hargeysa ka mid ayaan ahaan jiray gabadh Dhulbahante oo aanan bixina way yartahay oo aniga ayaa bixin jiray aadbaynu halka ugu yareyn oo in ka badan intiina halkan joogta ma le’ekayn intii aanu Hargeysa ku joognay, laakiin waxaad mooddaa in aanu si weyn isugu xidhnayn oo dadka yar ay ka barako badnaayeen dadka badan, anigu mid kaliya ayuunbaan idin odhanayaa siday qadadan u midaysan tahay tolnimadiinuna ha u midaysnaato.”

Wasiirkii hore ee Wasaarada Ganacsiga Maxamed Cali Caateeye, ayaa yidhi, “Horta wuu mahadsan yahay ninka qadadan inoo sameeyey, horta tan maalintaad baxdeen waa la is wada haystaa dalka oo dhan waxbaa ka socda ee horta Ilaahay ha inaga badbaadiyo iyo in laga shaqeeyo sidii la isugu duubnaan lahaa, waxana jirta iska warhayn la’aan baahan oo aanay cidna cida kale ka warqabin.”

Baashe Maxamuud Jaamac oo hore u ahaan jiray Wasiirkii Xannaanada Xoolaha ee Xukuumaddii Madaxweyne Cigaal, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxaanu yidhi, “Kolay anigu waxaan ahaa qolooyinkii u horreeyey ee Hargeysa hawlaha ka bilaabay. Anigu waxaan ku tallinayaa waxaad midnimo ku waydaan, waxaan u malaynayaa in aynu ku helayn tafaraaruq ee midnimadda ogaada, sidii halkan ka dhacdayna waa la wada oggaa oo anigu waxaan deegaankeenii muddooyinkii dambe ahaa mucaarad, taayadiina socon wayday markaa anigu waxaan idin odhan lahaa, haddaad midowdaan waxna waa laga jari karaa dadkuna waa idinku soo hiran lahaa, mid dalka jooga iyo mid dibadda joogaba, markaa haddii la iska daba yimaado oo aanay waxba ka ahayn dee waa la iska daba iman karaa, inkastoo qolooyinka halkan joogta la yidhaa iyaga uunbaa isku filaysiiya” ayuu yidhi Baashe Cali Jaamac.

Gebo-gabadii munaasibadda, waxa ka hadlay Garaad Maxamed Garaad Saleebaan oo mahadnaq u jeediyey Cali Baashe iyo in uu meel kaliya isugu keeno haldoorkii reerka, isla markaana uu mudan yahay shahaado-sharaf lagu maamuuso. Waxa uu Garaadku soo jeediyey in Danta Guud loo midoobo isla markaana aan laga ficil-qaadan danaha shakhsiga ah ee laysku qaban karo.

Himilomedia.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here