HUBAALMEDIA.COM
Xisbiga KULMIYE oo Xadhiga ka jaray Xafiiska Xisbiga ee Degmada Daarasalaam ee Gobolka Maroodi-jeex
May 2, 2017 - Written by Mustafe Faro

Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex Md. Maxamed Iid Dhimbiil, Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga ee Gobolka Md. Cabdiraxmaan Yusuf Hadhiye, ayaa xadhiga ka jaray xafiis cusub oo xisbigu ku yeelanayo degmada Daarasalaam ee Gobolka Maroodi-jeex.

18300805_410464909317234_1184929114524252726_n
Madaxda xisbiga ee Gobolka oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka socday xukuumadda oo ay ka mid yihiin Wasiirka Caddaaladda Md. Axmed Faarax Caddare iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Faysal Cali Sheekh iyo weliba xubno ka mid ah Guddiga Fulinta, ayaa ka qaybgalay xaflad ballaadhan loo sameeyey furitaanka xafiiska xisbiga ee degmada Daarasalaam oo lagu qabtay magaalada Daarasalaam maanta, kaasi noqonaya xafiisii u horreeyey ee xisbiyada dalku ku yeeshaan degmadaasi muddooyinkii u dambaysay.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Iid Dhimbiil, ayaa bulshada deegaan Daarasalaam u sharaxay muhiimada xafiiskani iyo hawlaha uu qaban doono oo uu ku tilmaamay inuu noqonayo isku xidhaha xisbiga iyo degmada, waxaanu ku dheeraaday sababta ay degmadani muhiimada koowaad u siiyeen ka gobol ahaan.
Guddoomiyaha Degmada Daarasalaam ee KULMIYE Saleebaan Xuseen Cumar iyo Guddoomiyaha Garabka haweenka xisbiga ee degmada Daarasalaam Marwo Xamda Cabdi Saleebaan, ayaa iyaguna sheegay inay degmada Daarasalaam tahay mid taageero ballaadhan u haysa xisbal-xaakimka KULMIYE.

Salaadiinta, odayaasha iyo waxgaradka degmada Daarasalaam oo hadallo ka jeediyey xafladdaasi, ayaa soo dhaweeyey xafiiska cusub ee KULMIYE, waxaanay isku raaceen in degmadani tahay degmooyinkii dhaliyay guushii xisbal-xaakimku ku hantay hoggaaminta waddanka oo ay xilligaa maalkoodii iyo muruqoodiiba galiyeen, isla markaasna maanta ay diyaar u yihiin inay mar kale dhisaan xisbiga oo ay taageero buuxda u hayaan.

Wasiirul-dawlaha Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Muuse Diiriye iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaha Boostaha iyo Isgaadhsiinta Md. Faysal Cali Sheekh, ayaa shacabka reer Daarasalaam kula dardaarmay ilaalinta nabadgalyada, wada noolaanshaha iyo wadashaqaynta xukuumadda iyo xisbal-xaakimka si loo xoojiyo horumarka, sidoo kalena ku diirigaliyeen inay waqtigan oo xilli roobaadkii bilaabmay ay ka faa’iidaystaan biyaha cirka iyo qabshadooda.

18275137_410464985983893_6106769642102574497_n
Wasiirka Caddaaladda Md. Axmed Faarax Caddare, ayaa isna dadweynaha Degmada Daarasalaam uga mahadceliyay soo dhaweynta iyo taageerada buuxda ee ay siiyeen xisbiga KULMIYE, waxaannu bulshada deegaanka kula dardaarmay inay u diyaargaroobaan qaadashada kaadhka codbixiyaha oo bilaha soo socda laga bilaabi doono Gobolka Maroodi-jeex.
Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Md. Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), Maareeye-ku-xigeenka Telefishanka Qaranka iyo Maareeye-ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha Hargeysa, ayaa iyagu halkaasi hadalo dardaaran ah kasoo jeediyay.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews