“Xisbiga KULMIYE Waa Inuu Bulshada U Caddeeyo Cidda Leh Awoodda Xulista Musharaxooda” Af-hayeenka Hoggaanka Dhaqanka Somaliland

0
16

DHAGEYSO: Suldaan Xiiray Oo Si Adag Uga Hadlay Muranka Musharax-nimo Ee ka dhex taagan Guddoomiyaha Kulmiye Iyo Labada Wasiir

Hargeysa(Hubaal) -Afhayeenka Hogaanka dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Xiiray, ayaa si adag uga hadlay arinta ku saabsan kala reebista Saddexda Musharax ee Beesha Sacad Muuse ee muranka ka dhaliyay Guddiga horumarinta Beesha Sacad Muuse, waxa uu sheegay in Xisbiga Kulmiye yahay Hanti ay leedahay umadda Somaliland oo dhan min bari ilaa galbeed, sidaasi darteedna cid walba xaq u leedahay inay iska sharaxdo Xisbiga gudihiisa.

Arinta Suldaanku ka hadlay oo ahayd mid Guddida Beesha Sacad Muuse u qaabilsan horumarintu ku doonaysay inay ku kala saaraan Musharaxiinta Beesha dhexdeeda oo kala ah Muuse Biixi Cabdi,Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdicasiis Samaale, midkooda noqonaya Musharaxa madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Siilaanyo dabadii, waxa uu Suldaan Xiiray ku tilmaamay in arintaas loo macnaysan karo inaan la Ogolayn cid kale oo Xisbiga iska sharaxda.

HALKAN GUJI OO DHAGEYSO Suldaan Xiirey Oo baaq u diray xisbul-xaakimka KULMIYE

xiirey

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here