“Xisbiga KULMIYE Waa Kooxo, Xukumadduna Waa Kooxo…” DAAWO Siciid Sulub Oo Wareysi Bixiyay

0
10

Hargeysa(Hubaal)-Wasiirkii hawlaha guud ee Xukumaddii Rayaale, Siciid Sulub Maxamed, ayaa naqdiyay Shirkii balaadhnaa ee Xisbiga Kulmiye qabsaday Khamiistii, isagoo sheegay in lagu bixiyay kharash faro badan oo Umadda Abaaruhu asiibeen biyo dhaamis loogu samayn kari lahaa.

sulub.jpgSiciid Sulub oo u waramay Star tv ayaa ugu horay ka hadlay sida uu u arko Iscasilaada Masuuliyiinta XUkumadda iyo isku shaandhayntii u dambeysay “Dawlad dhisan oo fulin leh marnaba Xukumaddani may ahayn, Kooxo ayay ahayd, waxan meesha ka dhacayana wuxuun baan u arkaa kooxihii baa isla rafanaya oo kolba Koox la roganayaa ama laga adkaanayaa. Xisbiga Kulmiye waa kooxo, Xukumadduna waa Kooxo, Isku Shaandhayntana iyaguun baa dhexdooda isrogroganaya oo kolba koox baa tunka lagaga dhacayaa qolana waa yara ladnaanaysaa, markaa dee malaha barina waxaynu arkaynaa in qolada kale gacan sarrayso”ayuu yidhi Siciid Sulub.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here