Xisbiga UCID Oo Ganafka Ku Dhuftay Go’aankii Xisbiga WADDANI Uu Kalsoonida Kala laabtay KDQ

0
37

Hargeysa (Hubaal) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng, Feysal Cali Waraabe ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay go’aankii xisbiga WADDANI ee ka dhanka ahaa Guddida doorashooyinka.

Eng. Feysal Cali Waraabe oo shir jara’id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay in tallaabadaasi xisbiga mucaridka ah ee Waddani ay kalsoonida kagala noqdeen KDQ, ay waqti xaadirkan tahay mid aan loo baahnayn.

Geesta kale, Guddoomiye Feysal waxa uu dhaliilay qaabka ay xukuumaddu u martay xakamaynta sicir-bararka, oo uu ku tilmaamay mid aan si balaadhan loo daraasayn.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan-cirro ayaa Khamiistii shaaciyay inay kalsoonidii ay ku qabeen  gebi ahaanba kala noqdeen Komishenka doorashada, waxaanay ku baaqeen in lakala diro xubnaha KDQ.

DAAWO: Xisbiga WADDANI Oo sheegay inay kalsoonida kala noqdeen KDQ: 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here