Xisbiga UCID Oo Ka Hadlay Aragtida Uu Ka aaminsan Yahay Hormada 1aad Ee Xukuumadda Uu Madaxweyne MBC Soo Dhisay

0
66

“Golaha Wasiirrada waa Inaanay Isbarbar-yaacin ee ay isku xidhnaadaan, waxaan leeyahay, wasiir kastoow xilka laguu dhiibay adigu ma lihid ee ummadda caddaalad ugu shaqee”

Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Ucid Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni ayaa si adag uga digay inay dayacanto hantidii wasaaradaha la baabiiyey iyo kuwa kuwo kale lagu daray, isla markaana talo ku aadan arrintaasi u diray Madaxweynaha cusub.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Ucid Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa wareysi uu siiyay telifishanka Somalicable waxa uu kaga hadlay in la ilaaliyo hantidii ay lahaayeen wasaaradaha la baabiiyey iyo kuwa lagu daray wasaaradaha kale, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Madaxweynaha, waxaan kula talinaynaa inuu cid gaar ah u magacaabo inay la wareegaan hantidii wasaaradahaasi, si ayna gacanta uga bixin, oo laga tiriyo oo wixii ay hayeen iyo waxay wareejiyeen laysku eego, waayo Qarankani waxa uu u baahan yahay in ammaanadiisa la ilaaliyo, waxaanay ka mid aheyd ballanqaadyadii Madaxweynaha cusub”. Waxaanu intaasi ku daray “Waxa wax laga soo sheegayaa wasaaradihii kale ee masuuliyiintoodu joogeen ee kuwo kale loo magacaabay”.

 

Cabdinaasir waxa kale oo uu baaq u diray Madaxweynaha cusub, “Haddii aanu nahay madaxda Xisbiga Ucid, waxaanu usoo jeedinayaa in aanu kula shaqayno qorshihii noo yaalay haddii lana doorto ee aanu doonaynay in aanu Qaranka ugu shaqeyno, kaasi ayaanu taladiisa u gudbinaynaa Madaxweynaha cusub”.

 

Dhinaca kale, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Ucid, waxa uu farriin dardaaran ah u diray golaha wasiirada ee cusub, waxaanu yidhi “Xukuumada waxaan leeyahay, wasiir kastoow xilka laguu dhiibay adigu ma lihid ee ummadda caddaalad ugu shaqee, oo shaqaalaha caddaalad ku xusha, waayo qof kasta meesha uu joogo taariikhda ayaa xusi doonta, wattaa kuwii toddobada sano joogay ay ka tageen, waxaana laydinkula xisaabtami doonaa wixii aad ka tagteen, waxaanan golaha wasiirada kula dardaarmayaa in aanay isbarbar yaacin ee ay wada shaqeeyaan, oo ay isku xidhnaadaan, isla markaana shacabka waxa looga baahanyahay inay la shaqeeyaan”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here