Xisbiga Ugu Weyn Mucaaridka Somaliland Oo La Weriyey In Is Beddel Hoggaamineed Lagu Samaynayo

0
17

Hargeysa (Hubaal) – Xisbiga WADDANI oo ah ka ugu weyn Mucaaridka Somaliland ayaa la filaaya in isbadalo waa weyni ku yimaddaan madaxdiisa sare. Sida lagu daabacay degelka Somalilandtoday.com Xisbiga WADDANI, waxa si weyn looga dooday cida ku haboon ee Xisbiga guul u keeni karta, Ganacsato waa weyn iyo waxgarad miisaan culus ku leh taageerida Xisbiga WADDANI ayaa si aan gabasho lahayn u gole keenay dood odhanaysa Musharaxa Xisbiga WADDANI waxa ku haboon wakhtigan Siyaasiga Dr. Maxamed Cabdi Gaboose. Kullamo muhiima oo bilihii ina dhaafay ay ku yeesheen dalka Imaraadka Carabta Ganacsatadaas iyo Waxgaradka Musdanbeedka u ah Xisbiga ayaa wax iska weydiiyay sababaha keenay inuu Xisbigu taageero ka waayo deegaano la filaayay in si weyn looga taageer, gaar agaan deegaanada bariga, iyadoo sidoo kalena la soo hadal qaaday hungawga Xisbigu ilaa hadda ka taaganyahay dhinaca galbeedka Somaliland, iyadoo aanay waxba soo kordhin xilalkii uu Guddoomiye Cirro ku taxay siyaasiyiin ku soo biiray oo ka soo jeeda deegaanada Galbeedka dalka.

cirro vs gaboose

Sababahaas oo dhan waxay Musdambeedka Xisbigu is tuseen in isbeddel mug weyn iyo hoggaaminta Siyaasiga Dr. Maxamed Cabdi Gaboose keeni karto hinqasho Xisbiga WADDANI ku soo xero galiyo cudud tageero.

Geesta kale waxaa shirarkaas lagu soo qaaday in xulashada Gaboose ay keeni karto inay siyaasiyiinta Madasha Wadatashiga oo hadda ka gaws adaygaya inay ku biiraan Xisbiga ay ku soo dhiiran doonaan WADDANI, maadama oo ay taariikh dheer wadagaan Eng: Maxamed Xaashi Cilmi iyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, oo Ururkii Qaran wada aasaaseen marna ka wada mid noqday Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isagu talaabo talaabo ula socday shirarkaas ayaa isku dayadaas dagaal adag kala horyimid,  wuxuuna ku dooday inuu Xisbiga WADDANI isagu leeyahay aasaaskiisa isla-markaana ay talada ugu danbaysa isaga ka go’do.

Siday  Somalilandtoday.com daabacday  wuxuu Guddoomiye Cirro Ganacsatada iyo Guurtida sida weyn Xisbiga WADDANI u taageerta u bandhigay inay iska ilawaan qodobka Musharaxa Xisbiga, taas badalkeedana uu aqbalayo wixii kale ee tallo ah.

Qodobada ugu muhiimsan ee Shirarkaas ka soo waxa kamid ahaa, in isbadal mug weyn lagu sameeyo hoggaanka sare ee Xisbiga, iyadoo la luminayn fursadda Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ah kursiga saddexaad ee dalka, kaas oo uu hadda ku fadhiyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI. Sidoo kalena waxa la isla soo qaadey in Xisbiga loo raadiyo Musharax Madaxweyne ku-xigeen oo miisaan ku leh Bulshada dhexdeeda.

Geesta kale waxaa la isla gartay in la soo xulo siyaasiyiin soo qora ajandaha uu doorashada ku gelaayo Xisbigu , kuwaas oo laga carabaabay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Ambassador Xuseen Cawil Ducaale iyo aqoonyahan Maxamed Yuusuf.

Arrintan ayaa haday dhabowdo waxay mar kale jaanis xoogan u tahay Siyaasiga Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo fursad u heli doona inuu ku loolamo kursiga ugu mudan dalka

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here