HUBAALMEDIA.COM
Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Qaab dhismeedka Musharraxiinta Madaxweynaha iyo Kuxigeenka ee Tartamaya Iyo Shuruudaha Looga Baahan yahay
October 8, 2016 - Written by admin

Guddida Kala Reebista Murashaxiinta WADDANI oo Shaaciyey Qabashada Araajida Murashaxiinta Madaxweyne iyo Ku Xigeen ee Xisbiga WADDANI

Hargeysa(Hubaal):-Guddida kala reebista iyo qabashada Araajida Murashaxiinta u tartamaysa jagooyinka Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga WADDANI, ayaa maanta ku dhawaaqay in ay billaabayaan qabashada Araajida Murashaxiinta Madaxweyne iyo ku Xigeen ee ka dhex-tamaysa shirweynaha golaha dhaxe ee Xisbiga WADDANI oo la filaayo in uu qabsoomo 19ka bishan aynu ku jirno ee October.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, oo ka mid ah guddidaas, ayaa sidan u sheegay qaar ka mid ah Warbaahinta oo uu maanta kula hadlaayey magaalada Hargeysa, waxaana uu ku war-galiyey Murashaxiinta tartamaysa in wakhtiga qabashada Araajida Murashaxnimo ay ku eeg tahay berito 5ta-galabnimo 09/10/2016ka.

wadani“Xisbiga WADDANI, waxa uu doonayaa in uu maanta halkan ka iclaamiyo guddidii kala reebista murashaxiinta oo rabta in ay halkan umadda uga sheegto in la soo gebo-gabeeyey oo muddo laga soo shaqeynaayey hawlaha murashaxiinta imikana ay taagan tahay xilligii qabashada hawlaha Araajida ee ay keeni lahaayeen Murashaxiinta u tartamaysa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga WADDANI. Waxaana aanu u sheegaynaa oo aanu oggeysiinaynaa dhammaan ciddii u tartamaysa murashaxa Madaxweynaha iyo ciddii u tarmaysa Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka in berito 09/10/2016ka ay keenaan Araajiddooda Murashaxnimo, halkanna ay ka qaataan, wixii shuruudo ah ee Xisbigu ugu daraayey oo ay Xafiiska yimaadaan, waxaana aan ku war-gelinaynaa Murashaxiinta in qabashada Araajidu ay xidhmayso beri 5ta-galabnimo, iyaga oo aanu u rajeynayno in ay sida ugu dhakhsiyaha badan ay arrintaas u qabtaan.”.Ayuu yidhi Maxamed Cabdillaahi Uurcadde.

Waaxda Warfaafinta WADDANI

Hargeysa/Somaliland

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews