Xisbiga WADDANI Oo Wax Iska Waydiinaya Sababta Keentay Iscasilaadda Saddex Masuul

0
35

Hargeysa(Hubaal) -Maxamed Nuur Carraale Duur, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha xukumadda Siilaanyo, haatana ah xubin sare oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa sheegay in dib loo eegi doono sababaha keenay iscasilaada xubno sare oo xisbigaasi shalay iska casilay.

duur

Xoghayihii qorshaynta Waddani Cabdirashiid Riyo-raac, Xoghayihii arrimaha gudaha Mustafe Qodax iyo guddoomiyihii heer qaran garabka dhalinyarada Mr Gaab oo si wada jir ah shalay xilalkii iyo xubinimadii Waddani iska casilay ayuu Duur tilmaamay inay yihiin rag sharaf leh oo xisbiga ka baxay, fikirkoodana ay xor u yihiin.

“Waxaa dhaqanka siyaasadu noqday inta la wada socdo in lays amaano marka la kala baydhona lays caayo ama leys aflagaadeeyo , hadaba waxaan halkan ku cadaynayaa in taasi tahay caado xun , Xubnaha ka tegay xisbigana ay ahaayeen rag sharaf iyo karrramo lahaa welina leh sharaftii ay shalay lahaayeen mana geyaan xumaan rayigoodana waa u xor .

Doonta xisbiga WADANI waa mid socota oo soconaysa. Sababta is casilkooda waa is waydiin doona Waxa keenay” ayuu Mudane Duur ku yidhi qoraal uu soo dhigay Boggiisa facebook.

Saddexda siyaasi ee xisbiga Waddani iska casilay ayaa shalay saxaafadda u sheegay inay is fahmi waayeen hogaanka xisbiga, waxaana hadalkooda laga dheehday inaanay ku niyad samayn in Guddoomiye Cirro sii ahaado hogaanka golaha wakiilada ee wakhtiga loo kordhiyay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here