Xisbiga WADDANI Oo Xukuumadda Muuse Biixi Ku Dhaliilay Kor-u-kaca Maceeshada

0
1

Hargeysa, (Hubaal) – Afhayeenka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun ayaa xukuumadda Somaliland ku dhaliilay kor u kaca maceeshada iyo waxyaalaha daruuriga ah ee nolosha dadka lagama maarmaanka u ah. Waxaanu Afhayeenka xisbiga Waddani uu tilmaamay in dawladu aanay shacabka waxba kaga tarin dhinaca Adeegyada Aasaasiga ah ee bulshada ay uga baahan yihiin xukuumada.

shir-jaraa’id oo Afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, isagoo ayaa waxa uu yidhi; “Waxa muuqata in sicirkii maceeshadu uu halkiisa taagan yahay, lacagtii dollarkuna ay hoos u dhacday, taasi waxa ay saamayn ku yeelatay marka maceeshada laga yimaado, muwaadiniintu adeegyadii ay haysteen ee ahayd gaadiidkii dadweynaha, in qofka muwaadinka ah ee dakhligiisu yaryahay ee aan gaadhi gaar ah kiraysan karayn ee baska labada kun ah raacayey inuu ku qaalyoobo oo ay saamayso shidaalkii, in dugsiyadii gaarka ahaa ee wax laga baranayey ay saamayso, inay saamayso biyihii booyaduhu dhaaminayeen.

Markaa dawladdnimadeena adeega aasaasiga ah ee bulshada haday biyo bilaash ah tahay lamaga helo, haday wadooyin tahay lagama helo, haday gaadiidak public transportion-ka ah ay tahayna dalkeena lagama helo iyagoo bilaash ah. Ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun.

SHARE
Article horeAgaasimaha Guud Waxbarashada oo xilalkii u kala Wareejiyey isu duweyaashii Gobolka HAWD ee waxbarashada
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here