HUBAALMEDIA.COM
“Xisbiga WADDANI shanta gobol ee diiwaangelintu ka dhacday olole Ayuu ka waday, waxana uu isticmaalaa dhaqaalihii Baarlamaanka , gaadiidkii Baarlamaanka, shaqaalihii Baarlamaanka iyo……”
August 18, 2016 - Written by admin

Gudd. Jiir Cali Madoobe

jiirHargeysa:(Hubaal)-Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID Md Jiir Cali-madoobe, ayaa eedo kulul dusha u saaray xisbiga WADDANI, isagoo caddeeyey inay  caado ka dhigteen olole aan wakhtigiisii la gaadhin oo ay ugu dhuumanayaan arrinta diiwaangelinta.

Guddoomiye Jiir oo xarunta komishanka warbaahinta kula hadlay, ayaa sidoo kale sheegay in xisbiga WADDANI uu arrimaha ololaha ah ee uu hoosta ka wado uu u adeegsanayo hantidii umadda, isagoo tusaale u soo qaatay in hantidii goleweynaha Baarlamaanka uu xisbigaasi si toos ah u adeegsanayo, “Axsaabta qaarkood, weliba xisbiga Waddani la yidhaahdaa shan gobol ee diiwaangelintu ka dhacday olaluu ka waday, waxana uu isticmaalaa dhaqaalihii Baarlamaanka , gaadiidkii Baarlamaanka, shaqaalihii Baarlamaanka iyo xildhibaannadii Barlamaanka laftoodii, markii ay taasi dhacdayna annagu xisbi ahaan cabashooyin badan baanu soo gudbinay.” Ayuu yidhi Jiir Cali Madoobe.

Guddoomiye Jiir oo hadalkiisa sii wata, ayaa guddoomiyaha waddani oo  haatan xilal badan ku magacaaban barbar dhigay kacaan yahankii weynaa ee xilligii xukuumaddii Siyaad Barre xilalka badan isku hayey ee Maxamed Nuur Shareeco, waxana isagoo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Allah guddoomiyaha WADDANI xilal badanaa ma Maxamed Nuur Shareecaa, waxanse usoo jeedinayaa inay ka digtoonaadaan inay olole u beddelaan diiwaangelinta gobolka ugu dambeeya ee SOOL.”

Guddoomiye Jiir waxa uu axsaabta qaranka, gaar ahaan xisbiga WADDANI uga digay inay diiwaangelinta dhawaan ka bilaabmaysa gobolka Sool inay olole ka dhigtaan, isagoo komishanka doorashooyinkana usoo jeediyey inay arrintaas il gaar ah ku hayaan.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews