“Xisbiyada Mucaardka Ah Waxa Haboon Inay Xukuumadda Ku Taageeraan Xidhiidhka Dawladaha Dibedda Iyo Ciidankeenna Qaranka”

0
1

Hargeysa (Hubaal) Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obama oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la  kobciyo Xidhiidhka Somaliland  la  leedahay wadamada Imaaraadka carabta iyo Itoobiya.

Maxamed Cali Xirsi oo u waramayay  qaar ka mida warbaahinta ayaa  waxa uu sheegay in  xidhiidh fiican oo dhaw uu  ka  dhaxeeyo Somaliland iyo Imaaraadka carabta iyo Itoobiya,waxaana uu usoo  jeediyay  xisbiyada  mucaradka in ay Xukuuumadda ku taageeraan xidhiidhka  ay  la  samaynayso wadamada  dibada.

Maxamed Cali  xirsi oo arimahaasi ka  hadlayay  waxa uu  yidhi; “Wadamada aynu saaxiibka dhaw la nahay hadaynu nahay Somaliland waxana ka mid ah Imaaraadka carabta iyo Itoobiya,waxaana muhiima in aynu kobcino xidhiidhkaa waxaana marba marka ka danbaysa soo cobcaya xidhiidhka aynu la leenahay Imaaraadka carabta.Madaxweynaha Somaliland Imaaradka Carabta sida madaxweynayaasha Caalamka ayay usoo dhaweeyeen safarkii uu ku tagay meeqaamka Somaliland sare ayuu u socdaa,”.

Xildhibaanku waxa uu usoo  jeediyay xisbiyada mucaaradka in ay Xukuumadda ku taageeraan xidhiidhada ay  la samaynayso wadamada caalamka.waxaana uu yidhi; “Waxa muhiima in aanay si qaldan  shaqadooda  aanay u isticmaalin xisbiyada Mucaadku waxaana fiican in ay wax badan ku  taageeraan xisbiyada Mucaaradka Xidhiidhka  Xukuumadda la samaynayso wadamada dibada sida xisbiga UCID ugu  taageero,si kasta halagu kala fikir duwanaado xisbiyada mucaaradku kursi  ayay  doonayaan si kasta ha u dhaliilaan Xukuumadda talada haysa. Siyaasadeena waxa saldhig u ah in aynu taageerno Nabedgalyada oo ciidanka qaranka,”.

Sidoo kale Xildhibaan Obama  waxa uu sheegay in weftigii uu hogaaminayay Wasiirka Arimaha dibada Eratariya ay u yimaadeen Somaliland sidii xogogaal ugu noqon ahaayeen qadiyada Somaliland.waxaana uu yidhi

“Weftigii uu hogaaminayay Wasiirka Arimaha dibada ee Eratariya Wef culayskooda leh ayuu ahaa waxaanu u yimaadeen xograadis ayay ahaayeen  halka uu gaadhsiisanyahay qadiyada Madaxbanaanida Somaliland,muu jirin xidhiidh hore uga dhaxeeyay Somaliland iyo Eratariya  waxaana aahayeen  wadan in badan  cunaqabatayn Saarnad Eratariya.waxaana ay ku qanceen  Nabedgalyada  ka jirta  Somaliland  waxaana aanu kala hadal nay weftigaa  in Somalilandi iyo  Soomaaliya kala ahaayeen laba dal  oo jaar ah waligood,”

SHARE
Article horeNew Zealand: Aadaanka Salaadda Jimcaha Oo Maanta Dalka Oo Dhan Si Toos Ah Looga Baahiyey
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here