“Xisbiyada [Somaliland] Waxa Qaybsada Saddex Reer Ee Xaggaynu Innagu Ka Soo Galnaa..”

0
1

Wasiirkii Hore Ee Waxbarashada Oo Sheegay Inaan Loo Sinnayn Xisbiyada Somaliland

Hargeysa (Hubaal) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Cabdillaahi Dheere) ayaa sheegay inaan loo sinayn Xisbiyada Somaliland, sidaasi darteedna wuxuu ugu baaqay Xubnaha reer Awdal ee ku jira Xisbiyadu inay isaga baxaan. Cabdillaahi-dheere oo hadal jeediyey Jimcihii toddobaadkii hore ayaa sheegay in Saddexda Xisbi ee WADDANI, UCID iyo KULMIYE ay leeyihiin Saddex Beelood, sidaasi darteedna aanay fursadi uga banaanayn Beelaha kale.

Cabdillaahi-dheere oo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Xisbiyada (Somaliland) waxa qaybsada Saddex reer ee Xaggaynu innagu ka soo galnaa ?, laba waa Garxajis, midna Habar Awal baa haysata hadda, xaggay beelaha kale ka soo galayaan, Annagu maba jirto ayaanu leenahay wax Xisbi la yidhaahdaaba. Nin kasta oo Gadabuursi ah oo ku jira ka baxbaan leeyahay, Waayo? Axsaab maaha, Axsaabtu waa tii isagu timaadda Fikir Siyaasi ah..”

Siyaasigu waxa kale oo uu sheegay “Waxaynu gaadhi lahayn in Nin reer Hargeysa ah aynu Boorama ka sharraxno mustaqbalka, maxaynu isku daalinaynaa haddaynu Qabyaaladdii dib ugu noqonayno, maynu odayaasha shaqadooda u dayno, taasaa ayaynaan isku layneyne…” ayuu yidhi.

Cabdillaahi-dheere ayaa tan iyo markii laga qaaday xilka Wasaaradda Waxbarashada wuxuu Warbaahinta mariyaa hadallo aad u qalafsan.

SHARE
Article horeTrump Oo Doonaya Inuu Xadhigga Ka Jaro Biyo-xidheenka Itoobiya Ee Masar Iyo Suudaan Diiddan Yihiin
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here