Xoghayihii Iyo Afhayeenkii Xisbiga WADDANI Oo Xabsiga Loo Taxaabay

0
3

Hargeysa (Hubaal) Ciidanka booliska Somaliland, ayaa xalay xabsiga u taxaabay xoghayahii xisbiga Waddani, Khadar Cabdi iyo afhayeenkii xisbigaasi, Barkhad Jaamac Batuun. Xadhigga labadan masuul ayaa yimid waxyar uun kadib markii ay shir jaraa’id ku qabteen xarunta xisbiga, halkaas oo ciidanku ka kaxaysteen.

Lama garanaya sababta keentay xadhigooda, balse waxa lala xidhiidhinayaa baaq uu isla shalay guddoomiyaha xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan-cirro u diray taageerayaasha xisbigaas, kaas oo ugu baaqay inay iskugu soo baxaan xarunta xisbiga maalinta berri oo maanta ku beegan, dhawaaqaas oo ciidanka amaanku, gaar ahaan taliyaha ciidanka boolisku ka hadlay.

Sikasta, maalmahan dambe waxa jiray muran u dhexeeya xukuumadda iyo asxaabta mucaaridka kaasi oo la xidhiidha xubnihii dhawaan baarlamaanku ansixiyey ee komiishenka cusub ee doorashooyinka

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here