Xogo Uu Wasiirka Qorsheyntu Meel Isugu Keenay Oo Daruuri U Ah Muwaadiniinta Somaliland

0
26

Hargeysa (Hubaal)- Akhristayaal waxa aynu halkan ku soo bandhigi doona xog muhiim ah oo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire uu ka diyaariyey degaanka Somaliland, kaasoo uu ka jeediyey shir weyne dhawaan lagu qabtay Burco oo lagaga hadlaayey arrimaha degaanka iyo mushkiladaha dhulka.

Xogtan oo uu Wasiirku ka soo qaybgalayaasha shirka u jeediyey waxa ay xambaarsan tahay baaxada dhulka Somaliland, cufsanaanta bulsho, xoolaha nool inta ay ku noolaan karaan iyo iyadoo aan loo hayn dhul lagu dhaqo hadda, maadaama dhul-daaqsimeedyadii laga dhigtay degsiimooyin.

SACAD CALI SHIRE‘Somaliland Waxa ballaceedu amma baaxada dhulkeedu dhan yahay 137,600 Sq km (Kilomitir oo laba jibbaaran). Shacabka ku dhaqan Somaliland waxa ay dhan yihiin 3.5 milyan (3,500,000) qof, halka cufsi ahaan (Population Density) ay tahay in 25 qof/Sq km, taasoo macnaheedu tahay in halkii qof ku nool yahay 40,000 mitir laba jibaaran amma 200m X 200m plot.

Xoolaha Nool: Somaliland Xoolaheeda Nool waxa ay dhan yihiin 15 milyan, iyadoo ribanaanta amma cufsiga xooluhu yahay 109 neef/Sqkm, taasoo macnaheedu tahay in neefkii ku nool yahay dhul dhan 10,000 mitir laba jibaaran amma 100m X 100m amma 1 hectar. Waxa kale oo waxyaabaha xooluhu cunaan ee qalalan jidhkooda ka tahay 2.5-3% culayska neefka ah, halka neefka 20kg amma laxda intaas ah daaqa qalalan ee sannadkii ay u baahan tahay yahay 200kg.

Qiyaas ahaan xoolaha nool ee Somaliland caws ahaan waxa amma DMR(Dry Matter Requirement) ahaan waxay u baahan yihiin, ka soo qaad 14 milyan oo adhi ah iyo 1 milyan oo geel ah, waxa ay quudanayaan sannadkii 4.8 milyan oo tan.

Somaliland waxa ay sannadkii heshaa roob dhan 300mm ah, kaasoo cawska amma daaqa uu soo saari kara yahay 600 kg amma halkii higtar ay ka bixi karaan 0.6 tan, haddii guud ahaan la eego sannadkii waxa soo baxa ee caws amma daaq ahna uu dhan yahay 8.25 milyan tan, inta kaliya ee badbaada ee la isticmaalaana ay dhan tahay 4.13 milyan oo tan.

Sidoo kale, dhulka Somaliland qaaskiisu wuxuu yahay in 2 laxaad iyo halkii riyaad u baahan yihiin hal hiktar oo ay daqaan, halka neefka gela ah u baahan yahay 7 Higtar.

 “Ma haysano dhul aynu ku dhaqno xoolaheena marka loo eego wax-soo-saarkeena dhinaca daaqa ee waqtigan, sidaa darteed waxa, degaanka lagu badbaadin kar atallaabooyinkan

Ha la joojiyo seerayaasha, hana la baabiiyo

Deegaamaysiga dhul-daaqimeedka ha laga hortago

Dhirta la goynaaya ha la joojiyo

Dhulka ha la badbaadiyo

Dibna ha loo beero daaqsimeed

Aasaasida beer ugaadha Somaliland lagu dhaqo

Wax soo saarka oo kor loo qaado

Dib u beeris iyo dib u dhirayn la sameeyo

Cilmi-baadhisyo

Cunto la beero

Siyaasad laga soo saaro degaanka

Shuruuc midaysan oo degaanka ah

Hay’ad kaliya oo ka hawlgasha ilaalinta iyo daryeelka degaanka

Hay’ad sharci fulin ah oo degaanka u gaar ah.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here