Xubnaha Komiishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Tababar ay Ugu Bixi lahaayeen Maanta Itoobiya ka Baaqday Iyo Sababta Keentay

0
13

Markii ay diyaardu diyaar garawday xubnaha komiishankuna fuula is yidhaahdeen ayaa laga joojiyay shan kamid ah xubnahaas oo baasabooro Somaliland ah oo bilaa fiise ah watay

Hargeysa (Hubaal) Xubnaha guddida doorashooyinka qaranka Somaliland oo maanta tabar ay ugu baxayeen dalka Itoobiya ka baaqday,kadib markii xubnahaasi qaar aanay sidan fiisaha dal kugalka waxaana la sheegay in laba kamid ah xubnahaasi ay iyagu siteen baasabooro ajaanib halka shanta kalena ay siteen baasaboorka Somaliland islmarkaana aan fiise dal kugal ah wadan.

xubnaha gudida doorashooyinkaSida uu noo sheegay masuul ka tirsan shaqaalaha madaarka hargeysa waxa markii la gaadhay wakhtiga ay diyaaradu ka duuli lahayd madaarka hargeysa laga reebay shan xubnood oo gudida doorashooyinka kamid ah halka labada masuul ee iyagu sitay baasaboorada ajaanibka ah oo midi ahaa Siciid Cali Muuse uu masuulkani noo sheegay in iyaga lasii daayay,balse inay ka hadheen rakaabkii diyaarada iyo inkale aanu hubin.

guddida doorashooyinka qaranka Somaliland oo ka kooban Toddoba xubnood ayaa maalintii shalay iska dhex doortay guddoomiye iyo g/ku-xigeen

si kastaba ha ahaatee arrintan ayaa xukuumada Somaliland ku noqonaysa kala daadsanaan maamul xumo maadaama xubnaha guddida doorashooyinku aanay dano shakhsiyadeed u baxayn balse ay hawlaha uu qaranku u igmaday ay tahay waxa ay u baxayaan

Hubaal media

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here