HUBAALMEDIA.COM
Xubno Ka Tirsan Guddiga Komishanka Qaranka Oo Socdaal Ku Tagey Magaalada Borama Iyo Ujeeddada Safarkooda
April 6, 2017 - Written by Mustafe Faro

Komishanka-Doorashooyinka-cusub

Boorama:(Hubaal)-Wararka ka imanaya magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal, ayaa waxay sheegaya in xubno ka socda guddiga doorashooyinka qaranka Somaliland ay socdaal ku tageen magaalada Boorama, kuwaas oo u gogol xaadhaya hawlaha qaybinta kaadhadhka cod-bixiyayaasha oo lagu wado inay dhammaadka bishan April halkaas ka bilaabmaan.

Xubnahan oo sida la sheegayo kulamo kala duwan la qaadan doona madaxda heer gobol iyo heer degmo ee Boorama, ayaa kormeer ku samaynaya xafiisyada komishanku ku leeyihiin goobaha ay ka deggen yihiin gobolka Awdal, iyaga oo sidoo kale u guur geli doona, isla markaana kor u qaadi doonaan baaxadda shaqaalaha Komishanka ee qorshuhu yahay inay qayb ka noqdaan qaybta kaadhadhka cod-bixiyayaasha.

Kulamo kale ayey xubnahan la qaadan doonaan madax-dhaqameedka iyo odayaasha gobolka Awdal, waxana ay kulamadaas kaga codsan doonaan sidii bulshada loogu wacyigelin lahaa qaadashada kaadhadhka ay codkooda ku dhiiban doonaan doorashada madaxweynaha ee dalka ka qorshaysan 13-ka bisha Noverber ee sanadka 2017-ka.

Gabagabadiina socdaalka xubnaha guddiga Komishanka ka socda ayaa kusoo beegmaya wakhti dhawaan la filayo inay gobolada dalka ka bilaabaan qaybinta kaadhadhka codbixiyaha oo iyadu ah hawsha ugu weyn ee guddida doorashooyinka waqtix-xaadirkan u taalla, waxana haddii ay qaybintaas ku guulaystaan ay u gudbi doonaan sidii ugu diyaar garoobi lahaayeen doorashada madaxtinimada oo iyadu ugu soo horrayn doonta doorashooyinka dalka ka qorshaysan sanadaha soo socda.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews