Xukuumada Oo Ka Hadashay Aragtida ay Ka Aaminsan Tahay Shir-beelleedka Buurta Gacan Libaax Ka Socda & Qoddobo Ay Sheegtay Inaanay Ka Filayn In Laga Soo Saaro

0
1

Wasiir U Hadlay Xukuumadda Oo Sheegay In Beellaha Shirka Isku Yimi Ay U Yaallaan Hawlo Gudahooda Ah Oo Ay Tahay In laga Wada Hadlo

 

“Anigu Gaar Waxba Ugu Diri Maayo Walaalkay [Oo Kamid Ah Ergooyinka Shirka Lagu Casuumay] Laakiin Labadaas Qoddob Ee Aan Sheegay Midna Ka Fili Mayno”

 

 

Hargeysa(Hubaal):-Xukuumada somaliland ayaa ka hadashay sida ay u aragto shirka buurta gacan libaax uga furmay beelaha Garxajis. Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha somaliland Boos Mire Maxamed ayaa sheegay inaanay xukuumadu balo u arag shirkaas ka furmay gacan libaax, waxaanu yidhi “Shirka ka socda buurta gacan libaax waa shir ay leedahay beel ka mid ah beelaha waaweyn ee somaliland, anaguna xukuumad ahaan waxaanu u aragnaa shir ay beeli qabsatay, wax aanu tarno mooyaane wax aanu dawlad ahaan yeelaynaa ma jirto.”ayuu yidhi wasiir Boos oo la hadlay eryaltv.  Wasiir Boose Mire oo ka hadlaya siyaasiyiinta tagay shirkaasi  ayaa waxa uu yidhi “Shirkaas beel ayaa leh, waxa tagayna waa siyaasiyiinta, siyaasiyiintuna noocyo badan ayey kala leeyihiin oo asxaabta ayey kala leeyihiin qaar madax banaana way jiraan, wixii halkaas tagayna beesha ayey ka mid yihiin cid kale oo beelaha kale ahi may tagin, anaguna balo uma aragno illaa hadda, waxa shirayaana waa beel weyn iyada oo ay shirka fureen salaadiinta ugu waa weyn somaliland oo suldaanka guud ee somaliland ka mid yahay oo suldaan Maxamed Xirsi Qani ka mid yahay, wax balo ahna kama qabno cidii doontaaba haka qayb gashee.” Wasiir Boos ayaa soo bandhigay laba qodob oo aanay doonayn inay ka soo baxaan shirkaasi waxaanu yidhi “Maadaama oo aanu aad ugu rajo weynahay inaanay ka soo bixin laba wax, Mar haday shirayso beel ka mid ah beelaha waaweyn ee wadanku taas oo aanay suurta gal ahayn inay ka soo baxaan laba qodob oo kala ah,   wax qaranimada Somaliland waxyeelaya iyo wax nabad galyada wax yeelaya, beeshuna sideeda kale xaq ayey u leedahay oo hawlo badan oo gudahooda ah ayaa u yaala, haday doonaan tabashooyin ayey qabaan, diyaar ayaanan u nahay in laga wada hadlo.” Wasiir Boos Mire ayaa ka hadlay tabashooyinka ay qabaan beesha ku shiraysa Gacan Libaax waxaanu yidhi “Tabashooyinka dawladu waa u diyaar cid ay doontaba haka yimaadaane, iyada ayaa wadankana dawlad u ah, beesha hadda shiraysa iyo dawladuna dhawr goor ayey is arkeen tabashooyin badan oo ay beeshani sheegtay ayaa jira qaar badan oo layska qanciyeyna way jiraan, inta dunidu jirtana tabasho dhamaan mayso laakiin wixii tabasho ah dawlad ayaa loo yahay waana laga wada hadlayaa wixii suura gal ahna waa layskaga garaabayaa wixii kalana waa laga noqonayaa.”

Ugu dambayn wasiir Boos Mire ayaa ka hadlay farriinta uu u dirayo shirka buurta Gacan Libaax oo uu ka qayb galayo walaalkii Muj. Axmed Mire waxaanu  yidhi “Anigu walaalkay gaar waxba ugu diri maayo laakiin shirku waa kaas ay beel weyn oo somaliland ahi qabsanayso labadaas qodob ee aan sheegayna midna ka fili mayno.”

SHARE
Article horeWaaga Cusub Ee Itoobiya U Baryay Muxuu Ka Dhigan Yahay?
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here