Xukuumada Oo La Weriyey Inay Dib U Liqday Go’aamo Ay Ku Xayirtay Hanti Qaranku Lahaa Oo Xukuumadihii Hore Xaraasheen & Sababaha Kellifay

0
1

Shir Doceedyo Hargeysa Ka Dhacay Oo Laysku Tusay In  Xukuumadda Madaxweyne Biixi Bartilmaameedsanayso Cid Gaar Ah

Go’aamo Aan Dhaqan-gelin Oo Ay Xukuumaddu Ka Soo Saartay Dhismeyaal Ay Dawladihii Rayaalle Iyo Siilaanyo Ku Kala wareejiyeen Laba Ganacsade+ Culays   Xukuumadda   Kaga Yimi Deegaanka Ay Kasoo Jeedaan 

 

Hargeysa (Hubaal)- Xukuumada Somaliland ayaa ka noqotay xayiraad ay hore u saartay qaar ka mid ah hantidii dawlada ee ay xaraasheen xukuumadihii madaxweyne Siilaanyo iyo madaxweyne Daahir Rayaale. Wasaaradda hawlaha guud ee JSL ayaa hakisay dhisme dib u habayn ah oo laga waday hoteelka caanka ah ee Hargeisa Club oo Hadda Magaciisa Loo Olympic hotel. Go’aanka wasaarada hawlaha guud ka soo baxay ayaan hirgelintiisu muddo sii soconin, waxaana haatan dib loo bilaabay dhismihii ka socday huteelka Hargeysa Club, iyada oo wararkuna ay sheegayaan inay xukuumadu ka noqotay xayiraadii ay hore u saartay. Dhinaca kale waxa iyaduna burtay xayiraad ay wasaarada waxbarashada iyo saynisku ku soo rogtay dhisme laga waday goobtii laga baabiiyey xaruntii Wax akhriska ee Gaandhi Library oo ay xukuumadii hore ka iibisay ganacsade Ina Xarbi. shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews oo iyadu warbixintan qortay oo aanu ka soo xiganay ayaa intaa ku dartay in  xukuumada madaxweyne Muuse Biixi uu culays kaga yimid deegaanka ay ka soo wada jeedaan labada ganacsade ee lagu kala wareejiyey hudheelka Hargeysa Club iyo xarunta wax akhriska ee Gaandhi Library, kuwaas oo madaxweynaha culays ku saaray inuu ka noqdo go’aanadaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in shirar ay waxgaradka beesha bariga Burco ku yeesheen magaalada Hargeysa isku tuseen inay xukuumadu si gaar ah u bartilmaameedsanayso hantidii lagu wareejiyey ganacsatadooda  ee ay xukuumadii hore ka iibisay, shirkaas oo ay kaga hanjabeen in haddii aanay xukuumadu ka noqon talaabooyinka saamaynaya ay bilaabi doonaan mucaaridad xoog badan oo ay kaga hor yimaadaan, taas oo dhalisay in xukuumadu ka noqoto go’aanadii ay ku xayirtay dhismayaashii ka socday Hargeysa Club iyo Gaandhi Library.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here