Xukuumada Somaliland Oo Hakisay Wada-hadalladii Ay Kula Jirtay Soomaaliya Iyo Duruufo Ay Ku Sababaysay Inay Kelliftay

0
30

“wakhti xaadirkan duruuftii saamaxaysay in la wada hadlaa ma jirto  markaa muddo   ayaanu dibu dhignay”

Hargeysa(Hubaal):-Xukuumada Somaliland ayaa ku dhawaaqday hakin ay ku samaysay wadda hadaladii dhex mari lahaa dawlada soomaaliya. Wasiirka arimaha dibada somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo warbaahinta kula hadlay xarunta golaha wakiilada shalay ayaa sheegay inaanay jirin duruuftii saamaxaysay in dib loo furo wada hadalka.

Wasiir Sacad ayaa sheegay inay muddo bil ah dib u dhigeen wada hadalkii ay la yeelan lahaayeen dawlada Muqdisho waxaanu yidhi “Wadda hadalada inaynu la galno waa arinkii baarlamaanku ansixiyey ee dawlad ahaan aynu qaadanay kamaynaan noqon balse wakhtigan xaadirka ah duruuftii saamaxaysay in la wada hadlaa ma jirto  markaa mudo bil ah ayaanu dibu dhignay wada hadaladii marka ay bishu dhamaato ayaanu eegaynaa duruuuftu siday tahay inaynu la bilawno iyo in kale.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here