“Xukuumadda Cusub Waan Ku Boggaadinyaa Sii Wadida Heshiiska DP World, Waanay Innoo Caddaatay Halka Laynaga Rujiyey Ee Beentu Ka Socotay”

0
22

Ex-Wasiir Qabo Oo Sheegay In Heeshiiska DP World Uu Muhiimad Gaar Ah U Leeyahay Qaranka Somaliland

Hargeysa (Hubaal) Wasiirkii hore ee wasaaradda qorsheynta Somaliland ayaa sheegay in heshiiska Somaliland ay kula jirto DP World uu yahay mid muhiimad gaar ah u leh qaranka Somaliland, waxaana uu ka hadlay heshiiskii dawladda Jabuuti laashay ee ay kula jirtay shirkadda DP World, “waa ogtihii in dawladda jabuuti ay laashay heshiiskii DP world, sababaha ay u laashayna waxa sheegay wasiirka gaadiidka oo sidaad kawar haysaan shir jaraa’id qabtay, waxana kamid ah waxyaabaha ay u daliishadeen, DP worl shirkadda la yidhaa ay waddamada jaarka ah, waddamada badda cask u yaalla ay ka maalgalisay dekkedo. Intii dawladdii aan ka tirsanaa ee madaxweyne Siilaanyo, waxa kamid ah guulihii ama waxyaabaha ku suntan horumarkan usoo jiiday, heeshiiskii DP world ayaa kamid ah. Heshiiskaasi wuxuu ahaa mid taariikhi ah, dekedda Berbera in lagu kordhiyo afar boqol oo mitir, waana guul qarankeenna usoo hoyatay, carqalad badan baa kahor timid oo maalinba meelbaynu soo dhaafaynay. Ayuu yidhi Qabo

Mr. Qabo wasiirkii hore ee qorshaynta ayaa ugu dambayn xukuumadda cusub ee madaxweyne Muuse Biixi ku bogaadiyay doorka ay ka qaadatay heshiishkaasi inuu hore usii socdo, waxaana uu ugu baaqay inay halkaasi inay kasii waddo; “anigoo u mahadnaqaya xukuumadda cusub iyo doorkeeda sii socoshada heshiiska Dp world, waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa safiir Baashe Cawi oo tacab iyo tamar badan ku bixiyey, runtiina dadku in badan farta ku fiiqayeen oo ay lahaayeen waxbaa siya, laakiin maanta ay innoo caddaatay halka laynaga rujiyey ee ay Beentu ka socotay. Waxaan filayaa inay waxbadan Somaliland usoo hoyn doonto.” Ayuu yidhi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here