“Xukuumadda Cusubi Waxay Xaqiijinaysaa In Xilka Qaranka Lagu Kala Sarrayn Karo Balse Xuquuqda Iyo Sharciga Loo Siman Yahay”

0
194

Madaxweynaha 5aad Ee JSL oo xafladii caleemo-saarkiisa Ku Guud-maray Qorsheyaasha Uga Meel-yaalla  Hoggaaminta Qaranka

“Waxaan Diyaar U Ahay In wixii xanaf ka dhashay Doorashada  aanu walaalahayaga wax tirsanaya   bogsiino [Laakiin], Wax Baan Kaa Tirsanayaa Kuuna Soo Fadhiisanmaayo Innama Kala Qabato’e  Walaallahay Waxa Laga Rabaa Inay Garqaataan”

Hargeysa (Hubaal)- Madaxweynaha cusub ee  Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay si rasmi ah xilkii ugala wareegay Madaxweynihii hore Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Munaasibad aad u qurux badan oo xil-wareejinta labada Madaxweyne iyo dhaarinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka cusub loogu sameeyey qasriga Madaxtooyada Somaliland shalay, waxa ka qaybgalay wufuud heer sare ah oo ka socota dalka Ingiriiska, waddamo ka tirsan ururka Midowga Yurub oo ay ka mid yihiin Holland, Sweden, Denmark iyo Switzeland, madax ka socotay dalalka jaarka ee Jabuuti, Itoobiya, iyo Kiiniya, wakiillo ka socday Qaramada Midoobay, Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, saddex ka mid ah Madaxweyne-ku-xigeennadii Somaliland hore u soo maray oo kala ah; Md. Xasan Ciise Jaamac, Md. Cabdiraxmaan Aw Cali iyo Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, Guddoomiyeyaasha Golayayaasha Baarlamanka ee Guurtida iyo Wakiillada – Md. Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Md. Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Md. Aadan Xaaji Cali Axmed, golihii wasiirrada ee xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, xildhibaanno kamid ah golayaasha qaranka, salaadiin iyo madaxdhaqameed fara badan oo uu ka mid yahay Ugaaska Guud ee Beelaha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim (Rooble) iyo marti sharaf qaybaha bulshada ka socda oo tiradoodu ka badan tahay laba kun oo qof oo qaarkood ka yimaadeen dalalka jaarka. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Md. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa madashaasi dhaarta uu qorayo Dastuurka dalku ku dhaariyey Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka lagu doortay doorashadii Madaxtooyada ee qabsoontay 13-kii November 2017, waxaanna markaa kadib Madaxweynaha xilka ka degay Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo uu ku wareejiyey dhukumentiga dawladda Madaxweynaha cusub Mudane, Muuse Biixi Cabdi. Safiirro ka socday dalalka Ingiriiska iyo kuwa Midowga Yurub oo ka mid ahaa wufuudda caalamiga ah ee munaasibadda xil-wareejinta ka qaybgalay, ayaa khudbado ay ka jeediyeen halkaasi hambalyo iyo bogaadin u kala jeediyey labada Madaxweyne ee xilka la kala wareegay, waxaanay ku ammaaneen Somaliland hannaanka dimuqraadiyadda ee ay tusaale fiican ugu noqdeen Gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamkaba. Sidoo kale, Wasiirka Gaadiidka dalka Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya Md. Axmed Shire, Wasiirka Difaaca dalka Jabuuti Cali Xasan Bahdoon iyo Safiya Cabdi Nuur oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamanka dalka Kenya, kuwaas oo kala hoggaaminayey weftiyo saddexdaasi dal u soo dirsadeen munaasibadda dhaarinta iyo xil-wareejinta Madaxweynaha Somaliland, ayaa khudbado ay ka jeediyeen madasha waxay si weyn u ammaaneen quruxda dimuqraadiyadda Somaliland ka hanoqaaday iyo hannaankeeda qori-isku-dhiibka talada waddanka ee ay ku caanka noqotay, isla markaana waxay Madaxweynaha cusub ku dhiirrigeliyeen inuu muhiimad gaar ah siiyo xidhiidhka ay Somaliland la leedahay dalalkooda oo ay iyaguna ballanqaadeen inay diyaar u yihiin. Madaxweynaha xilka wareejiyey Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo khudbad ballaadhan ka jeediyey halkaasi, ayaa ku dheeraaday guulihii uu qaranku gaadhay muddadii uu gadh-wadeenka ahaa iyo sida uu mar walba naftiisa iyo xooggiisaba ugu soo huray wax-u-qabashada iyo horumarka ummaddiisa iyo dalkiisa Somaliland. Waxa kaloo uu Madaxweyne Siilaanyo u rajeeyey Madxweynaha cusub inuu Alle u fududeeyo xilka, isla markaana waxa uu bulshada ka codsaday inay la shaqeeyaan. Ugu dambayntii, Madaxweynaha cusub ee xilka loo dhaariyey Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaguna bulshada u jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa, waxa uu ballanqaaday inuu dalka ku hagi doono dariiq sinnaan iyo caddaalad ku salaysan oo ku dhaqanka sharciga iyo kala-dambayntu saldhig u yihiin. Khudbada uu halkaa ka jeediyey dhaarinta kadibna waxaa uu ku bilaabay sidan: “Maanta waxa aan taaganahay madashan bilan, aniga oo dareemaya culayska xilka iyo ammaanada Qaranka ee la ii dhaarinayo. Aniga oo xusuusan intii naftooda u hurtay, kuwii maalkooda u horay, intii agoomowday ama ku naafooday Qarannimadeenna ee halgankeedu ka soo bilowday Daraawiish, halgannadii ka dambeeyey ilaa kii SNM, waana taariikh dheer oo Somaliland leedahay.

Somaliland guulo ayey gaadhay 26–kii sanno ee tagay, dalkani wuxuu ka soo kabtay dagaalkii dib-u-xoraynta, waxa aynu bogsiinay qardoofooyinkii dhexdeena ka dhacay. Waxa innoo dhismay dal nabdoon, xasilloon oo dimuqraadi ah.

Arrintani waa ku dhif dalalka soo koraya. Waxa intaa dheer, Somaliland afar Madaxweyne oo hore ayaa si nabad ah xilka isugu wareejiyey, maantana waxa loo fadhiyaa xil-wareejintii shanaad ee Madaxweyne codka shacabka ku yimid. Waxay caddaynaysaa bisaylka siyaasadeed ee dalkeena, waxay marag u tahay dhawridda sharciga iyo dimuqraadiyadda ka hirgashay Somaliland. Libtaa iyo karaamadaa waxa keenay shacabka Somaliland ee bir-labta ah, cidi kama taageerin, dayna laguma siin, waxaan u sheegayaa caalamku in aanay dayn nagu lahayn waa kuwa halkaa fadhiyee oo aan Baanku Adduunku na caawin oo aan Baanka Afrika na caawin oo aan dawladaha Afrika iyo kuwa Muslimku na caawin ee ay ummadda Somaliland Ilaahay

Waxa aynu ku guulaysanay in aynu dhidibbada u adkayno amniga Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, dawladnimo loo dhan yahay iyo dimuqraadiyad hana-qaaday.

Maanta dalalkii Soomaaliyeed qaybtii Jabuuti, qaybtii Itoobiya, qaybtii Kenya, qaybtii Somaliland, waxa innaga dhiman qaybtii Koonfur (Muqdisho) oo ay ahayd iyagoo qaranka Somaliland ictiraafsan inay ka soo qaybgalaan xafladdan, anigoo filaya inay dhawaan ka soo qaybgali doonaan oo aannu iskaashan doono annagoo dhaqan iyo afba wadaagna, laakiin ay arrintayadu suurtoobiwayday in aannu mid noqono duruufihii dhacay awgood oo nin waliba qarankiisii dib u dhistay, iyaguna waanu u ducaynaynaa inay dhibaatada ka baxaan, waxaannuna ka rajaynaynaa inay nagu hambalyeeyaan wixii horumar ah aannu gaadhno.

Halgannadii kala duwanaa ee xornimada, midnimada, nabadda iyo dhismaha qaranimada Somaliland aynu u soo galnay waatii aynu ku soo gabogabaynay shirarkii Burco iyo Boorama, guushii aynu ka gaadhnayna waataa maanta caalamka oo dhami inoogu yimi ee cid waliba innagu majeeranayso. Waxaan idiin ballanqaadayaa in aan anigoo taariikhdaa og idinku hoggaamiyo sidii ay innagu soo hoggaamiyeen madaxweynayaasheenii hore ee Cabdiraxmaan Axmed Cali, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waddadii ay jeexeen qaranimada Somaliland, madaxbannaanideeda, nabaddeeda, dimuqraadiyadeeda iyo dhismaheeda ayaan hayn doonaa oo Insha Allaahu shan sanno kadib iyadoo sidaa u dhisan ciddii loo doorto ay qaban doontaa.

Dhibaatooyinka Horyaalla Dalkeena:

 

Walaalayaal, iyada oo intaa iyo in ka badani innoo qabsoomeen, haddana waxa jirta qabyo badan oo dalkeenu leeyahay. Qabyooyinka qarankeena waxa ka mid ah:

  1. Shaqo la’aan
  2. Saboolnimo
  3. Sicir-barar
  4. Riiqda abaaraha soo noq-noqday
  5. Musuq-maasuq
  6. Qabyaalad
  7. Aqoonsi la’aan

Si Xal loogu helo dhibaatooyinkaa aan soo xusnay:

Walaalayaal dhibaatooyinka in horyaala waxaynu kaga bixi karnaa midnimo iyo wadashaqayn, maaha kuwo qof keliya wax ka qaban karo, balse haddii aan xuso waxaynu dhibaatooyinkaa xal ugu heli karnaa;

  1. In Shillinka Somaliland noqdo lacagta rasmiga ah ee dhex wareegta suuqyadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxna lagu kala iibsado.

 

  1. Kor-u-qaadista wax-soo-saarka dalkeena ee dhinacyada:
  • Xoolaha
  • Beeraha
  • Kalluumaysiga
  • Xabkaha iyo Faleenka

 

  1. Shaqo-abuurka

Dalkeenu waxa uu maanta leeyahay Dhallinyaro badan oo aqoon leh, balse intooda badan dhallinyaradda dalkeenu way shaqo la’yihiin.

  • Xukuumadda cusubi waxay dhiirrigalinaysaa maalgashiga, wax wada-yeelashada iyo midnimadda shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, si shaqo loogu abuuro dhallinyaradda dalkeena.
  • Xukuumadda cusubi waxa ay casriyeyn doontaa hay’adaha dawladda.
  • Xukuumadda cusubi waxay hirgelin doonaa nidaam hawl-gabka dadka waaweyn ee u soo shaqeeyey Qarankooda.
  • Dhallinyaradda Jamhuuriyadda Somaliland ee dhammaysata Jaamacaduhu waxay qaadan doonaan 6 bilood oo ah SHAQO QARAN, si ay u helaan waayo-aragnimo shaqo.

 

  1. Kobcinta Dhaqaalaha:
  • Xukuumadda cusub waxa ay u abuuraysaa ganacsatada iyo shirkadaha jawi iyo siyaasado dhiirrigeliya maal-gashiga, iyada oo ballanqaadaysa in hantida ganacsatadu hesho ammaan buuxa.
  1. La Dagaallanka Musuq-maasuqa:
  • Musuq-maasuqu waa AAFO QARAN oo mudan in aan Qaranimo iyo midnimo ku dabar-goyno.
  • Musuq-maasuqu waa xaaraan, ciddii ku kacda ama sahashaa waa DAMBIILE QARAN oo mudan ciqaab.
  1. Xoojinta iyo Tayaynta Garsoorka:
  • Xoojinta iyo tayeynta Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay qayb laxaad leh ka tahay sidii sharcigu u sarrayn lahaa, nidaamka dawladnimada waxa uu siinayaa kalsooni.
  • Xoojinta Garsoorku waxa ay kordhinaysaa la xisaabtanka iyo daba-galka hay’adaha dawladda.

 

Doorashadii Madaxtooyada iyo Xanafteedii:

Waxaan diyaar u ahay oo tallaabooyinkeedii u horreeyeyna aan qaaday oo haddana aan wadaa in wax allaale iyo wixii xanaf ka dhashay Doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay in aan bogsiiyo oo weliba aan diyaar u ahay in aniga la igu jiifsado iyo xisbiga KULMIYE lagu jiifsado oo walaalahayaga waxtirsanaya aannu bogsiino, iyagana waxa laga rabaa walaalahayaga waxtirsanayaa inay garqaataan, wax baan kaa tirsanayaa kuuna soo fadhiisanmaayo innama kala qabato, dhaqana umaynu lahayn.

Mabaadi’da Xukuumadda Cusub:

  1. Xukuumadda cusubi maaha meel xil la isku magacaabo oo dano gaar ah lagu fushanayo, xukuumadda aannu soo wadnaa noqomayso meel lagu badhaadho oo qofku ka taajiro.
  2. Waxaan ballan idiinku qaadayaa qofka kasta oo aannu u soo magacaabo oo ka mid noqda golaha wasiirrada ama hay’adaha kale ee dawladda in hawsha loo dhiibay lagula xisaabtami doono waqti iyo maalba.
  3. Waxaan idiin ballanqaadayaa inta qof bani’aadam ahi ku dadaalo in aannu ku shaqayno sinnaan iyo caddaalad oo xukuumadda aan soo dhisi doonaa ay dhex u noqoto Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan, masuulka xil ka hayaana waa masuul Qaran, maaha inuu u adeegayo cid ama koox gaar ah.
  4. Xukuumadda soo socotaa waa xukuumad ugu adeegi doonta bulshadeeda si siman.
  5. Xukuumadda cusubi waxay xaqiijinaysaa in xilka Qaranka lagu kala sarrayn karo oo Madaxweyne, wasiir, taliye, agaasime, balse xuquuqda iyo sharciga loo siman yahay meel kasta oo la joogo.
  6. Xukuumadda cusubi waxay la iman doontaa in 8 saacadood la shaqeeyo, iyada oo lagu dadaalayo in daryeelka shaqaalaha kor loo qaado hadba intii dhaqaalaheenu awoodo.

Beesha Caalamka:

Waxa aannu si buuxda oo aan baydh-baydh lahayn u raacnay tubtii iyo miqyaaskii beesha caalamka uga yaalay geedi-socodka Dimuqraadiyadda.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay dhammaystirtay dhammaan haykalkii iyo qaab-dhismeedkii dawlad madaxbannaan looga baahnaa inay yeelato.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay hirgelisay doorashooyin xor iyo xalaal ah iyo nidaamka xisbiyada badan.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay qayb wayn ka tahay nabadda iyo deganaanshaha Geeska Africa iyo Badda Cas oo ganacsiga caalamka badankiisa u ah marin muhiim ah.

Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo waxaas oo dhan qabsatay, haddana dawladaha caalamku waxay ka hag-radeen inay siiyaan aqoonsi buuxa.

Waxaannu u sheegaynaa beesha caalamka in aanaan ku faraxsanahay in nala caawiyo ee hamigayaga iyo fikradayadu ahayd in aannu annagu wax caawinno, beesha caalamka waxaannu u sheegaynaa waxaannu qabsanno ayuun baad wax noogu daraysaan ee wax gacan madhan ma soo taagayno.

Shacabka Somaliland waxaan u sheegaynaa maaha in aynu sugno caawimo shisheeye iyo hay’ad loo shaqo tago ee innagu waa in aynu wax qabsannaa, maaha isku dhererino Soomaaliya oo gubanaysa ee waa in aynu hiigsanaa halka ay gaadheen dalalka horumaray ee ay ka mid yihiin Maleesiya, Singabuur, Kuuriyada Koonfureed iyo kuwo kale oo badan oo inala awood ahaa ama innaga hooseeyey 1960-kii markii aynu madaxbannaanida qaadanay.

Waxaannu u sheegaynaa adduunka oo dhan haddaanu Somaliland nahay miisaaniyaddayada yar ee aan cidina naga caawin waxaannu ku ilaalinaa 780 KM oo bad ah, maanta adduunka waanu ognahay dagaallada iyo rabshadaha ka socda, taas oo aan cidina naga caawin ee dadkayaga iyo ciidankayaga ilaaliyaan, nabaddaana annaga ayaa ku fadhina kow, waxa nala wadaaga oo dheefteeda hela dalalka jaarka ee ay ka mid yihiin Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo guud ahaan caalamka oo dhan, dhaqaalaha aannu ku ilaalino baddaa dheer waxa uu ka go’anyahay waxbarashadayada, caafimaadkyaga, biyahayaga, waddooyinkayaga iyo horumarkayaga oo dhan, caalamka waxaannu xaq ugu leenahay inay nagu abaalmariyaan oo ay naga caawiyaan, aqoonsi buuxana siiyaan Somaliland.

Waxa aannu cod dheer ugu baaqaynaa bulshada caalamka in Jamhuuriyadda Somaliland tahay dal mudan inuu helo ictiraam caalami ah.

Intaas oo tallaabo oo Qarankani hore u qaaday, bulshada caalamka waxa aannu uga fadhinaa in ay garwaaqsato xaqiiqada hortaala ee ah in Jamhuuriyadda Somaliland xaq u leedahay inay hesho ictiraaf caalami ah.

Baaq:

Hawlahaas oo dhan sahal ku hirgali maayaan. Shacab iyo xukuumadba waxa aan codsanayaa in gacmaha la is-qabsado, danta guudna laga hormariyo danta gaarka ah, si aan u tirtirno dib-u-dhaca iyo saboolnimadda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here