Xukuumadda Itoobiya Oo xaqiijisay Taageeradeeda Ballaadhinta Dekedda Berbera, Beenisayna Hadal Kasoo Yeedhay Xisbiga WADDANI

0
1

 “WADDANI Been Ayuu Ka Sheegay, Hawl Dhinacyadii Ay Khusaysay Hore U Dhammaysteen” Qunsulka guud ee Itoobiya Md Tesfay

Hargeysa- (Hubaal) Xukuumadda Itoobiya ayaa beenisay war laga baahiyay oo sheegay in aanay Itoobiya ku faraxsanayn heshiiska dekedda Berbera, maadaama ay ka maqnaatay xaflad lagu kala saxeexanayay ballaadhinta dekedda Berbera oo khamiistii lagu qabtay madaxtooyada Somaliland. Qunsulka guud ee Itoobiya Md Tesfay ayaa sheegay in dawladdiisu taageersan tahay heshiiska lagu Ballaadhinayo Dekedda Berbera ee Shirkadda DP world iyo xukuumadda Somaliland wadajir u dhagax-dhigeen toddobaadkii lasoo dhaafay.

Md Tesfay oo weriye Maxamuud Walaaleye u waramay isagoo Hargeysa ku sugan ayaa been cad ku tilmaamay hadalka xisbiga mucaaridka ah  ee Waddani kaga hadlay ka maqnaansha Itoobiya xafladii saxeexa ballaadhinta dekedda, waxaana uu Tesfay yidhi; “Xisbiga Waddani been ayuu ka sheegay, hawl dhinacyadii ay khusaysay hore u dhammaysteen.” Itoobiya way taageersan tahay heshiiska Balaadhinta Dekeda Berbera & dhamaan iskaashiyada ay la wadaagto Somaliland.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay

Hadalka Qunsulka Guud ee Itoobiya Md Berhe Tesfay ayaa mugdiga ka saaray hadal Mr Nuuradiin Ibraahim Aw Cabdi oo ah masuul xisbiga Waddani ka tirsan ku sheegay in saamiga dekedda Berbera oo u dhexeeyey Imaaraadka, Somaliland iyo Itoobiya, ay  heshiiska ballaadhinta dekedda Berbera Itoobiya ka maqnayd, kaasi oo hadal-hayn badan ku beeray bulshada

SHARE
Article hore11 Qof Oo Ku Dhaawacmay Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Bariga Hargeysa
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here