Xukuumadda iyo Odayaasha deegaanka Tuka-raq oo isku raacay in deegaanada Tuka-raq lagu fidiyo maamulka dawladnimo Somaliland

0
55

Laas-caanood-(Hubaal)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaciil (Saylici) oo ku sugan Magaaladda Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool ayaa xalay kulammo la qaatay waxgaradka, odayaasha iyo Isimada deegaanka Tuka-raq.

 

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa kulmo goonni-gooni ah la qaatay odayaasha iyo Waxgaradka deegaankaasi waxaana kulamadani ku wehelinayay Wasiirka horumarinta Biyaha Saleebaan Cali Koore iyo Wasiirka Gashaandhiga Md.Ciise Axmed Yuusuf, wasiir ku xigeenka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Md. Maxamed Muuse Abees iyo masuuliyiinta ciidanka Qaranka Somaliland.

 

 

Kulankani ayaa nuxurkiisu ahaa sidii bulshada deegaankaasi ku nool oo muddo ku siman 27 sanno ka oomanaa dawladnimada iyo Waxqabad heerkasta oo uu gaadhsiisan yahay, iyo sidii loo gaadhsiin lahaa adeegyada ay u baahin yihiin gaar ahaan biyaha iyo caafimaadka iyo sidii odayaasha iyo dawladda Somaliland uga wadashaqayn lahaayeen nabadgalyada guud ee deegaankaasi, Waxaana odayaasha deegaanku codsadeen in magaalada Tuka-raq la keeno kastamka cashuuraha barriga ee gobolka Sool.

 

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa odayaasha iyo dadweynaha deegaankaasiba uga mahadceliyay sidii qiimaha lahayd ee ay u soo dhaweeyeen, Waxaana uu balanqaaday inkastoo dawladdu cusub tahay hadana inay ka xukumad ahaan ku dedaalayaan sidii dadkaasi loo gaadhsiin lahaa maamul fidinta iyo waxqabad intii la awooddo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here