Xukuumadda Iyo Xisbigeeda Oo Isku Duubni Kaga Jawaabay Dhawaaqii Isbahaysiga Mucaaridka

0
39

“Xukuumaddu Heshiiskii Xisbiyada   Waxay u daydayeysaa Qiilkii uu ku sharciyoobi lahaa, taasina…”

muuse biixi

 Hargeysa (Hubaal)-Xukuumadda Somaliland iyo Xisbigeeda Kulmiye, ayaa iyagoo isku duuban si adag uga horyimi dhawaaqii mucaaridku dhawaan ugu baaqeen inay shir talo qaran ah qaban doonaan. Shir jaraa’id oo ay Hoggaanka Xisbiga Kulmiye oo uu ugu horreeyo Guddoomiye Muuse Biixi iyo xukuumadda oo uu wakiil ka ahaa Wasiirka Warfaafinta oo ah Afhayeenka Xukuumaddu si wada jir ah ugu qabteen Xarunta Xisbiga Kulmiye ee Magaalada Hargeysa, ayey cod isku mid ah kaga soo horjeesteen dhawaaqii mucaaridka, waxana ay hoosta ka  xarriiqeen inaanay mucaaridku xaq u lahayn inay shir talo qaran ah qabtaan.  Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahi(Cukuse) ahna Afhayeenka Xukuumadda oo isagu ugu horrayn Halkaas ka Hadlay ayaa deedafeeyey Dhawaaqa Mucaaridka, waxana uu meesha ka saaray inay xukuumaddu ka Baxday heshiiskii lagu yaraynayey muddo-kordhinta Xukuumadda ee ay hore ula gashay axsaabta qaranka.  Waxa uu sheegay inay xukuumaddu wali ku hawllan tahay sidii ay Guurtida uga dhaadhicin lahayd inay aqlabalaan Hesiiska dhexmaray xukuumadda iyo Axsaabta,  “xukuumaddu Heshiiskii Xisbiyada kama ay bixine waxa ay u daydayeysaa Qiilkii uu ku sharciyoobi lahaa, taasina waxa ay ku xidhan tahay Hay’adda kali ah ee Sharcigu xaq u siiyey muddo-kordhinta Go’aamisa  oo ah Golaha Guurtida, Komishankuna waxa uu xaq u leeyahay muddada la kordhiyey inuu maalinta Doorashadu suurtogal u tahay qaban karo,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.  Wasiirka oo Hadalkiisa sii wata, ayaa waxa  tilmaamay in muddada la isku khilaafsan yahay ee Mucaaridka iyo xukuumadda u dhaxaysaa tahay muddo aad u yar, isla-markaan aan loo baahnayn in muddadaas dalka qalalaase loo geliyo, waxana uu yidhi,“Heshiiska xisbiyada iyo Xukuumaddu galeen iyo maalinta Guurtidu tidhi halla qabto waa inta Geeli Biyaha ka qado oo ah Sagaashan cisho. Inta Hali Biyaha ka Adkaysato ninka ka adkaysan kari waayey ee Waliba aanu diyaarka u nahay eeleenahay waar aayar kaalay heshiiskii waanu oggolahay laakiin Guurtiduu inagaga xidhan yahay. Inta hali biyaha ka oontana dalkani rabshad u geli maayo oo hashaas kama caqli liidano.”  Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa mucaaridka cod dheer ugu sheegay inaanay xukuumadu ogolaanaynin in Degenaanshaha iyo Dawladnimada lagu ciyaaro,“Dawladnimadeenaa qiimaha badan innagu joogta ee tacabka badani ku soobaxay ee Dadka badani  u hoydeen kuwo nabadeedii ku dhisayey iyo kuwo colaadeeddii kasoo qaybgalayba ciyaar ku lumi mayso, dookh qof leeyahayna ku lumi mayso.” Ayuu yidhi Wasiir Cukuse.  Dhinaca Kale Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo isaguna Halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inaanay mucaaridku wax sharci ah u haysanin inay shir qaran qabtaan, waxana uu yidhi,  Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi,   “waxan donayaa inaanu jawaab ka bixinno war dhiillo siday oo kasoo yeedhay xisbiyada Mucaaridka. Waa midda Koowaade erayga shir qaran inaynu isla fahamnaa wanaagsan, Shir qaran oo aayo-ka-tashi ah marbuu soo maray somaliland waxana uu ahaa 1993-kii shirkii Borama, waxana lagu soo dhisay Madaxweyne-ku-xigeen iyo labada Gole. 28-Sano kabacdi wax halkaas inagu celiya ilaahay inaguma keeno.”  Guddoomiye Muuse Waxa uu sheegay in cidda kali ah ee Afka qaranka ama magacaasba ku hadli kartaa ay tahay madaxweynaha somaliland,

“Waxa ay dooddu taagnayd saddex Bilood, distoor baynu leenahay qarankana waxa metela madaxweynaha qaranka, shir qaran isaguun baa qaban kara, Af qaranna isagaa ku hadli kara, waayo isagaa dalka ugu sarreeya, haddii shir qaran lasoo hadal qaadana waa inuu madaxweynuhu oggolaadaa.” Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Waxa uu Guddoomiye Muuse Biixi si gaar ah ugu jawaabay Guddoomiyaha Wakiillada, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cirro, waxana uu sheegay inaan laga aqbali Karin inuu sharciga jabiyo oo uu ku dhawaaqo wax aanu xaq u lahayn, sida uu hadalka u dhigay,

“cid kaleba ha joogtee inuu gefka intaas le’eg u badheedho Guddoomiye Baarlamaanka oo isagu ah ninkii sharcidejinta u madaxda ahaa, distoorkana ganaya, kamana foga madaxweynaha oo waxa uu kamid yahay saddexda qof ee Distoorku hab-maamuuska siiyey, inuu isagu sharcigii kuxad-gudbana waa khalad.” Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiey, ayaa si weyn isha ugu haya dhaqdhaqaaqyda iyo dhawaaqyda dhiilaysan ee kasoo baxay mucaaridka ka niyadjabsan  gaabiska ku yimi isku dayadii la doonayey in mucaaridka iyo xukuumaddu meel dhaw iskug keenaan muddo-kordhinta Madaxweynaha.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here