Xukuumadda oo baajisay xaflad xisbiga WADDANI ku qabsan lahaa Maansoor hotel Ee Berbera

0
26

Berbera (GNA/Hubaal) Warara xogogaal oo Shabakadda wararka ee Gobanimonews ka helay ilo wareedyo la soo xidhiidhay oo ku sugan Berbera ayaa tibaaxaya in xukumada Siilanyo amar joojina dul-dhigtay ama ka soo saartay munaasibad soo dhaweyna oo xisbiga Waddani u qorsheysanayd inuu ku soo dhaweeyo Mawjado taageerayaal ka soo digarogtay Xisbiga Kulmiye maalinta khamiista,taas oo lagu qaban lahaa ama ku qabsoomi lahayd Hotel Maansoor Berbera.

berbera_galleryfullSida xogguhu sheegayaan waxaa xisbiga Waddani ku soo qulqulaya mawjado taageerayaal iyo masuuliyiin hore ugu tirsanaan jiray xisbiga Kulmiye kuwaas oo u soo digaroganaya Xisbiga Waddani ka dib markay qanaac ka istaageen Xisbiga Kulmiye iyo Xukumada Siilanyo oo khilaaf,Maamul-xumo iyo musuqmaasuq xadhkaha goostay hadheyeen.

Xogguhu waxay intaas ku dareen in Xukumada Siilanyo Ciidamo RRU ah

hoobtay Hotel kasta iyo Goob kasta oo ay ka filayso in Xisbiga Waddani ku qabsadaan munaasibadaa soo dhaweynta ah ee loo sameyanayo taageeyaal ka soo digaroganaya Kulmiye,iyada oo warku intaa raacinaayo in xisbiga waddani uu qadar daqiiqado ah munaasibada ku qabsaday xaruntiisa magaalada berbera iyada oo markii dambe ay iskaga soo laabteen magaalada oo ay ku soo guryo noqdeen caasimada.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here