HUBAALMEDIA.COM
Xukuumadda Oo Bixisay Qayb Ka Mid Dhulka Jaamacadda Hargeysa Iyo Maamulka Jaamacadda Oo Aan Wali Ka Hadal
September 1, 2016 - Written by Mustafe Faro

DAAWO SAWIRRO Muujinaya Bogcad Ka Mida Dhulka Jaamacadda Hargeysa Oo Dhisme Lagu Bilaabay

Hargeysa (Hubaal) Tan iyo intii ay bilaabmeen bixinta dhul danta guud ah ee caasimada Hargeysa ayaa waxa hore uga reebanaa goobaha waxbarashada, oo ay ka mid tahay jaamacadda Hargeysa oo iyadu ah warshad soo saarta iftiinka dalkanmustaqbalka ifin doona, balse waxa soo baxay in ay goobtaasina noqotay goobaha u calaamadsanaa xukuumadda, taasi oo haatan xukuumaddu siisay shakhsiyaad ka bilaabay dhismayaal si xawli ah u socda.14191388_1131491670245484_1326247529_o

Illo-wareedyo ka agdhow maamulka Jaamacadda Hargeysa ayaa waxay noo xaqiijiyeen in maamulka sare ee Jaamacadda Hargeysi ay kulan gaar ah ka yeesheen arrintan la xidhiidha dhulkan jaamacaddu leedahay ee la qaadatay, balse go’aanka ay ka qaateen wali aan la garan iyadoo shirkaasina aad moodo inuu kusoo idlaaday inaanay ka hadal mar haddii  ay xukuumaddu bixisay oo ay iyadu wadato qorshahan dhulka lagu bixiyey.14151867_1131491583578826_563791792_o (1)

Boobka dhulka danta guud ah ayaa waxa uu haatan marayaa halkii ugu sareysay taasi oo keentay in ay xukuumaddu bilowday in ay bixiso qaybo ka mid ah dhulka Jaamacadda Hargeisa.14151867_1131491583578826_563791792_o

Xukuumadda uu hoggaaminayo Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa u muuqatay markii ay xukunka ku guulasatay in ay dhiiri geliso waxbarashada, waxaanay bilowday guulo ay ku muujinayso fulinta ballanqaadayadii ay  bulshada u sheegeen wakhtigii ololaha, waxaanay bilaash ka dhigtay dugsiyada hoose/dhexe oo haatanna ay wado, balse talaabadan ayaa waxay noqonaysaa mid curyaamisa horumarka  ay Jaamacadda Hargeysi ku tallaabsan lahayd, oo ay ugu horeyso in la balaadhiyo jaamacadda oo ah halka keliya ee dalkan intifaacsado.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews