HUBAALMEDIA.COM
Xukuumadda Oo Culimaa’udiinta U Gudbisay Qoddob Ay Ka Dalbatay In Ay Ku Soo Qaataan Khudbadda Salaadda Jimce Ee Maanta
April 14, 2017 - Written by Mustafe Faro

Laamaha Amniga Iyo Hay’addaha Kale Ee Dawladda Oo Si Dhow Ula Socda Dhaq-dhaqaaqa Xubno Gaar ah

Nuxurka mawduuc La filayo In ay Ka Sinnaadaan Qudbadaha Salaadda Jimce Ee Maanta Oo Masaajiddada Loo Qaybiyey

 hargeisa-21281597055 (1)

Hargeysa (Hubaal) – Laamaha amniga iyo hay’adaha kale ee xukuumadda Somaliland u qaabilsan arrimaha shareecadda oo toddobaadkii u dembeeyey si gaar ah isha ugu haysay dhaq-dhaqaaqa urur-diimeed dhawaan Hargeysa lagaga dhawaaqay oo qaarkood xabsiga loo taxaabay ayaa la weriyey in ay dhawrkii caano maal ee u dembeeyey si dhow ula socdeen shakhsiyaad lala xidhiidhinayo in ay si dadba iyo si daaalacanba ugu lug leeyihiin kooxda ku dhawaaqday ururkan. Warar hoose ay warbaahintu heshay ayaa Hubaal u tibaaxay in olole ay labadii maalmood ee u dembeeyey ay xukuumaddu ku qaaday Masaajida dalka gaar ahaanna kuwa caasimada ay culimada khadiibka ka ah ka dalbatay in ay Khudbadda salaadda jimcaha ee maanta ay ku iftiimiyaan mawqifka ay diinta Islaamku ka qabto fikirka urur diimeedkan iyo dabcan  fariiqooyinka ku taxalluqa aasaaskoodaba.

Warku waxaa uu intaa ku darayaa in xukuumaddu ay shalay illaa xalay xooga saartay sidii ay culimada dalku ay bulshada ugu bayaamin lahaayeen khataraha iyo cidhib xumada ay ururrada la afkaarta ah kan Hargeysa lagaga dhawaaqay ee Asaadicuuna-bil-xaq lagu magacaabay u horseedi karaan bulshada reer Somaliland, iyada oo dhinaca kalena uga digtay in ay gebi ahaanba mamnuuc tahay taageerida iyo dananaynta ururkan oo ciddii laabta ka jeclaata ama hadal iyo fal ku taageerta loo arkid oono in ay kala qaybinayaan ummadda reer Somaliland oo 100% Muslim diinta Islaamka ku abtirsada ah.

Wararka aanu ka helayno dhaqdhaqaaqyada lagaga soo horjeedo xubnhan sheegay in ay ka tirsan yihiin ururdiimeedkan ayaa tibaaxay In dhamaan masaajidada waawayn ee dalka gaar ahaan kuwa caasimada ay khudbada salaada jimcaha bulshada ugu iftiiminayaan waxyaabaha ay diinta islaamku ka qabto kooxahan iyo firqooyinka ay ku taxaluqdo iyo khatarta ay leedahay cidkasta oo isku dayda in ay kala qaybiyaan umad wada islaamka.

 Sidoo kale xukuumada Somaliland ayaa iyadu si dhow ula socota cidkasta oo ka leexata awaamiirta dalka iyo mawqifka ay iska taagtay xukuumada oo iyadu gabi ahaanba gudaha dhigtay xubnihii Hargaysa kaga dhawaaqay qaar ka mida kuwaasi oo dhawaan lagu maxkamadayn doono Haragysa taasi oo lagu ciqaabi doono waxa uu ka qabo dastuurka Somaliland oo ay ka reeban tahay in cidi samaysato urudiimeed, ama urur ku dhisan qabyaalad,

Dhanka kale shacabka reer Somaliland ayaa dareen shaki leh ku eegayay kooxdan oo u muqata kuwo lagu soo dhextuuray xasiloonida iyo daganaanshaha Somaliland balse waxaa iyagu dareen isku mida ka qaatay shacabka somailand iyo dawlada oo isku duuban halka si gara isha loogu hayo culimda salaada jimcaha ka aamusa maducan iyo xubno ganacsato ah iyagu lasheegay in xaga danbe ka taageerayaan kooxdan aaminsan dhamaan mabaadiida ka hor imanaya dgismaha iyo jiritaanka dawladnimo ee sheegay asaaduqul xaq.

Dhinaca kale shacbiga ayaa farta ku goday masuuliyiinta wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland oo iyadu qaranka iyo ummadaba masuul uga ah amuuraha ay qaddiyadani la xidhiidho , waxaana ay rayul caamka bulshadu ay 24kii saacadood ee la soo dhaafay si wayn u hadal hayaan hoggaanka wasaaradan oo dabcan aan si taban iyo si togan toona uga hadal urur diimeedkan iyo saamaynta uu bulshada ku leeyahay.

 Dhawaan ayay ahayd markii xubno sheegtay in ay taageersan yihiin ururdiimeed lagaga dhawaaqay dalalka Masar,Liibiya,Somaliya, Somaliland iyo wadamo kale oo ka mida dalalka Carabka iyo qaar Africaan ah kaasi oo lagu Magacaabo Asaadicuuna Bil Xaq sida ay sheegeena aaminsan mabaadii gabi ahaanba kasoo horjeeda dastuurka Jamhuuriyada Somaliland oo ah mid ku dhisan Diinta islaamka.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews