Xukuumadda oo Faahfaahisay Qoddobo Ay Isla Meel Dhigeen Dawladda Federaalka ah Ee Itoobiya

0
1

Akhri Warsaxaafadeed ay Xukuumadda Somaliland Kasoo saartay Kulan Addis ababa Ku Dhexmaray wasiirrada Khaarijiga ee labada dal

 

 

Hargeysa (Hubaal) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa la kulmay Dhigiisa Wasiirka Arrimaha Dibed dalka Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu

 

Dr. Workneh Gebeyehu ayaa si heer sare ah ugu qaabilay xafiiskiisa wasiirka arrimaha dibeda Somaliland Dr. sacad cali shire oo weheliyo safiirka somaliland ee dalka Ethiopia Amb. Ahmed Egal iyo u qaybsanaha arrimaha ganacsiga ee safaarada Abdirahman abdi

 

Kulankan oo mudo saacado ah qaatay ayaa waxa lagu lafa guray arrimo badan oo ay ka mid yihiin dhinacyada  Amniga, Ganacsiga, Waxbarashada iyo iskaashiga labada dal iyadoo si qoto dheer la isaga xaal waraystay xaaladda guud ee mandaqada geeska afrika iyo isbedelada badan oo ku soo kordhaya

 

Mudadii uu socday kulanka wasiirka arrimaha dibedda somaliland Dr. sacad cali shire iyo dhigiisa wasiirka arrimaha dibeda Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu ayaa waxa si buuxda la isula qaatay sii xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga labada dal iyadoo si wada jira la isula qaatay derder gelinta heshiiskii dekeda berbera iyo xoojinta iskaashiga ganacsiga labada dal

 

Wasiir Sacad Cali shire oo maalimihii ugu dambeeyey safaro shaqo ku marayey waddamada galbeedka Africa ayaa waxa uu kulamo muhiima la yeeshay madaxda wadamada galbeedka Africa gaar ahaan wadamada Ghana, Senegal iyo Muritaaniya oo uu wasiirku kaga qaybgalay shirkii midawga Africa

 

Safarkan wasiirka arrimaha dibedda somaliland iyo Kulamadan ayaa waxay qayb ka yihiin dedaalada ay wasaaradda arrimaha dibeda somaliland ugu jirto ka midha dhilinta qadiyada ictiraafka somaliland oo qaaradda Africa

SHARE
Article horeMashruuc Lagu Tayeynayo Waxbarashada Somaliland oo la Shaaciyey inay ku Baxayso $7.68 Milyan
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here